Kadib 25 maalmood oo ay dooni yar kula jabtay Badweynta Hindiya, waxaa ugu dambayntii dalka dib ugu soo laabtay laba kaluumaysato Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo Ibraahim Maxamuud Cali iyo Sharmaake Nuur Cabdi Aadan, iyagoo qoysaskooda kula kulmay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde. Soo laabashadooda waxaa suuragaliyey marka koowaad Ilaahay iyo dadaalka hagar la’aanta ah ee ay sameysay Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha iyo Safaaradda Soomaaliya ee Malaysia, oo si hagar la’aanta ah ugu adeegay labada muwaadin ayagoo kaashanaya hay’ado caalami ah iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Waaxda Aasiya iyo Australia.
Waxaa kale oo mahad-naq mudan dowladda Shiinaha iyo markabka Shiinaha ee badbaadiyey kalluumaysatada Soomaaliyeed, una fidiyey daryeel caafimaad, ayna garab istaag ka heleen shirkadda caymiska ee Huantai.
Kalluumaysatadan waxaa soo badbaadiyay markab laga leeyahay dalka Shiinaha oo ku dhawaad 130 mayl-badeed u jira Seychelles ku arkay kadib markii uu ciladoobay matoorka doonidii ay wateen, taasoo keentay inay ku dhacaan xaalado biyo iyo cunnola’aan ah. Markii ay soo gaareen magaalada Muqdisho, kalluumaysatadu waxay si kal iyo laab ah ugu mahadceliyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaalka hagar la’aanta ah ee ay ku bixisay sidii ay dalkooda ugu soo laaban lahaayeen. Sidoo kale waxay uga mahadceliyeen shaqaalihii markabka Shiinaha oo gurmad u fidiyay.
Waxaa garoonka caalamiga ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay labada muwaadin:
• Xildhibaan Abdirahman Sheikh (Abdirahman-dheere)
• Agaasimaha Waaxda Aasiya iyo Australia: Said Jama Mire
• Danjiraha Soomaaliya ee dalka Shiinaha: Dr. Hodan Cusmaan
• Saraakiil iyo diblomaasiyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga
• Qaar kamid ah waalidiinta labada muwaadin
Abdisalaan Koodaar, Lataliyaha Koowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha, ayaa si gaar ah loogu ammaanay kaalintii muhiimka ahayd ee uu ka qaatay sidii muwaadiniinta loo soo badbaadin lahaa, isagoo si hagar la’aan ah ugu adeegay labada kalluumaysato intii uu socday gurmadka.