{"id":2233,"date":"2024-04-16T14:24:16","date_gmt":"2024-04-16T14:24:16","guid":{"rendered":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/?p=2233"},"modified":"2024-08-30T14:24:37","modified_gmt":"2024-08-30T14:24:37","slug":"wasiir-fiqi-oo-xilkii-wasiirka-arrimaha-gudaha-ku-wareejiyay-wasiir-cali-yuusuf","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wasiir-fiqi-oo-xilkii-wasiirka-arrimaha-gudaha-ku-wareejiyay-wasiir-cali-yuusuf\/","title":{"rendered":"Wasiir Fiqi oo xilkii Wasiirka Arrimaha Gudaha ku wareejiyay Wasiir Cali Yuusuf"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho (MFA Somalia) \u2014 Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta oo Talaado ah xilkii Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ku wareejiyay Wasiirka cusub ee Wasaaraddaasi, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) kadib munaasabad ka dhacday xarunta Wasaaraddaasi ay ku leedahay Caasimadda Muqdisho oo uu goob-joog ka ahaa Ra&#8217;iisul wasaare kuxigeenka, Mudane Saalax Axmed Jaamac.<\/p>\n<p><img fetchpriority=\"high\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-2235\" src=\"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/X1-300x200.jpg\" alt=\"\" width=\"816\" height=\"544\" srcset=\"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/X1-300x200.jpg 300w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/X1-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/X1-768x512.jpg 768w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/X1-1536x1024.jpg 1536w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/X1-500x333.jpg 500w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/X1-750x500.jpg 750w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/X1-1140x760.jpg 1140w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/X1.jpg 2048w\" sizes=\"(max-width: 816px) 100vw, 816px\" \/><br \/>\nDanjire Fiqi ayaa sheegay in muddadii xilka Wasaaraddaasi uu hayay uu casriyeeyay hab isgaarsiinta gudaha Wasaaradda oo uu ka dhigay mid (degital) ah oo nambaraysan oo tixraac leh, sidoo kalena uu xoojiyay wadashaqaynta kala dhexeysay Wasaaradaha Arrimaha Gudaha dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka .<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-2238\" src=\"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/X4-300x200.jpg\" alt=\"\" width=\"809\" height=\"539\" srcset=\"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/X4-300x200.jpg 300w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/X4-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/X4-768x512.jpg 768w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/X4-1536x1024.jpg 1536w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/X4-500x333.jpg 500w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/X4-750x500.jpg 750w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/X4-1140x760.jpg 1140w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/X4.jpg 2048w\" sizes=\"(max-width: 809px) 100vw, 809px\" \/><\/p>\n<p>Waxa uu tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo hufnaanta, lagana shaqeeyo dowlad wanaagga si loo taageero dadaallada dowlad dhiska, isagoo u rajeeyay Wasiirka cusub inuu ku guulaysto howsha loo igmaday, xusuusiyayna adkaynta iyo dhowridda midnimada iyo madax banaanida dalka.<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-2237\" src=\"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/X3-300x200.jpg\" alt=\"\" width=\"821\" height=\"547\" srcset=\"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/X3-300x200.jpg 300w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/X3-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/X3-768x512.jpg 768w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/X3-1536x1024.jpg 1536w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/X3-500x333.jpg 500w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/X3-750x500.jpg 750w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/X3-1140x760.jpg 1140w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/X3.jpg 2048w\" sizes=\"(max-width: 821px) 100vw, 821px\" \/><br \/>\nHadal jeedintiisa, Wasiir Axmed Fiqi, waxa uu carabka ku adkeeyay in sida uu qabo dastuurka, uma bannaana gobol ka mid ah dalka inuu wadaxaajood dibadeed la galo dal shisheeye, waxa ay taasi wax u dhimaysaa madax bannaanida qaranka, isaga oo carabaabay kalsoonida uu ku qabo Wasiir Cali Yuusuf inuu hagaajin doono xiriirka, si gaar ah dowlad goboleedka Puntland.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-2234\" src=\"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/06-300x200.jpg\" alt=\"\" width=\"819\" height=\"546\" srcset=\"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/06-300x200.jpg 300w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/06-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/06-768x512.jpg 768w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/06-1536x1024.jpg 1536w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/06-500x333.jpg 500w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/06-750x500.jpg 750w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/06-1140x760.jpg 1140w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/06.jpg 2048w\" sizes=\"(max-width: 819px) 100vw, 819px\" \/><br \/>\nWasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa sheegay in ay ka go&#8217;antahay in xal nabadeed oo waafaqsan go&#8217;aannada dowladda ee ah xal , ee aan ahayn xabbad uu yahay hiigsigiisu. isagoo xusay in arrnka la xiriira Puntland lagu xalin doono miis wadahadal oo Soomaali ay leedahay.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-2239\" src=\"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/x5-300x200.jpg\" alt=\"\" width=\"818\" height=\"545\" srcset=\"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/x5-300x200.jpg 300w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/x5-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/x5-768x512.jpg 768w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/x5-1536x1024.jpg 1536w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/x5-500x333.jpg 500w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/x5-750x500.jpg 750w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/x5-1140x760.jpg 1140w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/x5.jpg 2048w\" sizes=\"(max-width: 818px) 100vw, 818px\" \/><br \/>\nWasiirka ayaa hadalkiisa ku soo geba-gabeeyay rajada uu ka qabo, hiigsiga iyo himilada sare ee uu ugu heellanyahay in guul uu u keeno dalkiisa, isagoo caddeeyay in Soomaalidu aanay is hurayn, kalana maarmi karin, qof welibana loo baahanyahay inuu wax ku doono si Soomaalinimo oo han iyo sharaf leh.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho (MFA Somalia) \u2014 Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta oo Talaado ah xilkii Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ku wareejiyay Wasiirka cusub ee Wasaaraddaasi, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) kadib munaasabad ka dhacday xarunta Wasaaraddaasi ay ku leedahay Caasimadda Muqdisho oo uu goob-joog ka ahaa Ra&#8217;iisul wasaare kuxigeenka, Mudane Saalax Axmed Jaamac. Danjire Fiqi ayaa sheegay in muddadii xilka Wasaaraddaasi uu hayay uu casriyeeyay hab isgaarsiinta gudaha Wasaaradda oo uu ka dhigay mid (degital) ah oo nambaraysan oo tixraac leh, sidoo kalena uu xoojiyay wadashaqaynta kala dhexeysay Wasaaradaha Arrimaha Gudaha dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka . Waxa uu tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo hufnaanta, lagana shaqeeyo dowlad wanaagga si loo taageero dadaallada dowlad dhiska, isagoo u rajeeyay Wasiirka cusub inuu ku guulaysto howsha loo igmaday, xusuusiyayna adkaynta iyo dhowridda midnimada iyo madax banaanida dalka. Hadal jeedintiisa, Wasiir Axmed Fiqi, waxa uu carabka ku adkeeyay in sida uu qabo dastuurka, uma bannaana gobol ka mid ah dalka inuu wadaxaajood dibadeed la galo dal shisheeye, waxa ay taasi wax u dhimaysaa madax bannaanida qaranka, isaga oo carabaabay kalsoonida uu ku qabo Wasiir Cali Yuusuf inuu hagaajin doono xiriirka, si gaar ah dowlad goboleedka Puntland. Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa sheegay in ay ka go&#8217;antahay in xal nabadeed oo waafaqsan go&#8217;aannada dowladda ee ah xal , ee aan ahayn xabbad uu yahay hiigsigiisu. isagoo xusay in arrnka la xiriira Puntland lagu xalin doono miis wadahadal oo Soomaali ay leedahay. Wasiirka ayaa hadalkiisa ku soo geba-gabeeyay rajada uu ka qabo, hiigsiga iyo himilada sare ee uu ugu heellanyahay in guul uu u keeno dalkiisa, isagoo caddeeyay in Soomaalidu aanay is hurayn, kalana maarmi karin, qof welibana loo baahanyahay inuu wax ku doono si Soomaalinimo oo han iyo sharaf leh.<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":2236,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1,17],"tags":[],"class_list":["post-2233","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-blog","category-wararka-wasaaradda"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/2233","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=2233"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/2233\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":2240,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/2233\/revisions\/2240"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/2236"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=2233"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=2233"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=2233"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}