{"id":2263,"date":"2024-04-19T16:46:28","date_gmt":"2024-04-19T16:46:28","guid":{"rendered":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/?p=2263"},"modified":"2024-08-30T16:46:49","modified_gmt":"2024-08-30T16:46:49","slug":"war-saxaafadeed-soomaaliya-oo-soo-dhawaysay-war-murtiyeedka-g7","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/war-saxaafadeed-soomaaliya-oo-soo-dhawaysay-war-murtiyeedka-g7\/","title":{"rendered":"War saxaafadeed: Soomaaliya oo soo dhawaysay war murtiyeedka G7"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho (MFA Somalia) &#8211; Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka ka soo baxay Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda G7 ee ku qabsoomay Jasiiradda Capri ee dalka Talyaaniga intii u dhexeysay 16-19 bishan April.<\/p>\n<p>Waxa aan ku bogaadinaynaa diirad saariddiisa Geeska Afrika iyo Soomaaliya, waxa aan ammaanaynaa sida ay uga go&#8217;an tahay G7 horumarinta nabadda, amniga, iyo xasilloonida gobolka.<\/p>\n<p>Waxa aan qiraynaa dadaalkooda wax ka qabashada cunno-yarida, saboolnimada , loolanka hubaysan, cimilada daran iyo barakaca, waxa aan qiimaynaynaa howlaha gargaarka bani&#8217;aadannimo iyo iskaashiga caalamiga ee wax looga qabanayo caqabadahaasi.<\/p>\n<p>Soomaaliya waxa ay u heellantahay taageeridda nabadda iyo amniga gobolka, waxa ayna ku howlantahay xoojinta iskaashiga ay la leedahay G7 iyo bah-wadaagta caalamiga si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo barwaaqada Geeska Afrika.<\/p>\n<p>Si kastaba ha ahaatee, wadahadal lala furo Itoobiya ayaa ku qabsoomi kara oo qura iyadoo gebi&#8217;ahaan laasha is-afgaradkii sharci-darrada ahaa ee ay la gashay gobolka Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland), ayna muujiso in ay si buuxda u xurmaynayso midnimada iyo qarannimada Soomaaliya iyo mabda&#8217;a aan oggolaanayn in dal uu farageliyo arrimaha gudaha dal kale.<\/p>\n<p>Soomaaliya waxa ay ka mahadnaqaysaa qiridda horumarka ay ka samaysay hannaanka dowladnimada, dhaqaalaha iyo amniga.<\/p>\n<p>Waxaa naga go&#8217;an inaan dardargelinno dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, sidoo kalena xoojinno hey&#8217;adaheena. Sida habsamida leh ee mas&#8217;uuliyadda amniga looga wareejinayo Howlgalka ku-meelgaarka ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) waa mid muhiim u ah amniga qaranka.<\/p>\n<p>Soomaaliya waxa ay si firfircoon ula kaashanaysaa Midowga Afrika iyo bah-wadaagta caalamiga si loo qorsheeyo, loona fuliyo kala-guurkan si wax ku ool ah, iyadoo la sii ambaqaadayo horumarinta awoodaha amni ee dalka iyadoo taageero laga helayo beesha caalamka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho (MFA Somalia) &#8211; Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka ka soo baxay Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda G7 ee ku qabsoomay Jasiiradda Capri ee dalka Talyaaniga intii u dhexeysay 16-19 bishan April. Waxa aan ku bogaadinaynaa diirad saariddiisa Geeska Afrika iyo Soomaaliya, waxa aan ammaanaynaa sida ay uga go&#8217;an tahay G7 horumarinta nabadda, amniga, iyo xasilloonida gobolka. Waxa aan qiraynaa dadaalkooda wax ka qabashada cunno-yarida, saboolnimada , loolanka hubaysan, cimilada daran iyo barakaca, waxa aan qiimaynaynaa howlaha gargaarka bani&#8217;aadannimo iyo iskaashiga caalamiga ee wax looga qabanayo caqabadahaasi. Soomaaliya waxa ay u heellantahay taageeridda nabadda iyo amniga gobolka, waxa ayna ku howlantahay xoojinta iskaashiga ay la leedahay G7 iyo bah-wadaagta caalamiga si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo barwaaqada Geeska Afrika. Si kastaba ha ahaatee, wadahadal lala furo Itoobiya ayaa ku qabsoomi kara oo qura iyadoo gebi&#8217;ahaan laasha is-afgaradkii sharci-darrada ahaa ee ay la gashay gobolka Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland), ayna muujiso in ay si buuxda u xurmaynayso midnimada iyo qarannimada Soomaaliya iyo mabda&#8217;a aan oggolaanayn in dal uu farageliyo arrimaha gudaha dal kale. Soomaaliya waxa ay ka mahadnaqaysaa qiridda horumarka ay ka samaysay hannaanka dowladnimada, dhaqaalaha iyo amniga. Waxaa naga go&#8217;an inaan dardargelinno dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, sidoo kalena xoojinno hey&#8217;adaheena. Sida habsamida leh ee mas&#8217;uuliyadda amniga looga wareejinayo Howlgalka ku-meelgaarka ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) waa mid muhiim u ah amniga qaranka. Soomaaliya waxa ay si firfircoon ula kaashanaysaa Midowga Afrika iyo bah-wadaagta caalamiga si loo qorsheeyo, loona fuliyo kala-guurkan si wax ku ool ah, iyadoo la sii ambaqaadayo horumarinta awoodaha amni ee dalka iyadoo taageero laga helayo beesha caalamka.<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":2265,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1,22],"tags":[],"class_list":["post-2263","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-blog","category-war-saxaafadeed"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/2263","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=2263"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/2263\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":2266,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/2263\/revisions\/2266"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/2265"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=2263"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=2263"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=2263"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}