{"id":3636,"date":"2024-12-01T15:45:50","date_gmt":"2024-12-01T15:45:50","guid":{"rendered":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/?p=3636"},"modified":"2024-12-03T15:47:00","modified_gmt":"2024-12-03T15:47:00","slug":"soomaaliya-iyo-faransiiska-oo-ka-wada-hadlay-xoojinta-iskaashiga-istiraatijiyadeed-ee-labada-dhinac","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/soomaaliya-iyo-faransiiska-oo-ka-wada-hadlay-xoojinta-iskaashiga-istiraatijiyadeed-ee-labada-dhinac\/","title":{"rendered":"Soomaaliya iyo Faransiiska oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga istiraatijiyadeed ee labada dhinac"},"content":{"rendered":"<div class=\"xdj266r x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Paris, France, 28 November 2024 \u2013 Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed Cumar, iyo Danjire Yoonis Xaashi, Agaasimaha waaxda Yurub iyo Ameerika, iyo Masuuliyiin kale ayaa la kulmay Mudane Thani Maxamed Soilihi, Wasiiru-dawlaha Faransiiska ee Francophonie iyo Iskaashiga Caalamiga ah. Kulanka ayaa lagu faaqiday iskaashiga xooggan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Faransiiska, waxaana diiradda lagu saaray sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinacyada muhiimka ah sida amniga, socdaalka, iyo horumarinta dhaqaalaha.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Wada-hadallada ayaa lagu muujiyay doorka sii kordhaya ee Soomaaliya ee saaxada caalamka, oo ay ku jirto doorashadii dhawaan loo doortay xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Faransiiska ayaa ugu hambalyeeyay Soomaaliya guulaha ay ka gaartay siyaasadda Arrimaha dibadda, isaga oo ballanqaaday in ay si dhow ula shaqeyn doonaan.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Labada dhinac waxay carrabka ku adkeeyeen madax-bannaanida iyo xasilloonida Soomaaliya, iyadoo Faransiisku uu xaqiijiyey taageerada uu ka geysanayo dadaallada ka dhanka ah argagixisada, amniga badda, iyo Hawlgalka Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Kulanka ayaa waxaa sidoo kale lagu gorfeeyay Iskaashiga dhaqaalaha ee labada dhinac, iyadoo laga wada hadlay dib u soo nooleynta maalgashiga Faransiiska ee kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya, sida kaluumeysiga iwm. Dawldda Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay Faransiiska dib u furista safaaradeeda Muqdisho taasoo ah tallaabo loo qaaday xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed. labada dhinac waxay ka wada hadleen baahida loo qabo la dagaallanka tahriibinta dadka iyo ka hortagga musiibooyinka dabiiciga ah.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\"><\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Paris, France, 28 November 2024 \u2013 Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed Cumar, iyo Danjire Yoonis Xaashi, Agaasimaha waaxda Yurub iyo Ameerika, iyo Masuuliyiin kale ayaa la kulmay Mudane Thani Maxamed Soilihi, Wasiiru-dawlaha Faransiiska ee Francophonie iyo Iskaashiga Caalamiga ah. Kulanka ayaa lagu faaqiday iskaashiga xooggan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Faransiiska, waxaana diiradda lagu saaray sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinacyada muhiimka ah sida amniga, socdaalka, iyo horumarinta dhaqaalaha. Wada-hadallada ayaa lagu muujiyay doorka sii kordhaya ee Soomaaliya ee saaxada caalamka, oo ay ku jirto doorashadii dhawaan loo doortay xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Faransiiska ayaa ugu hambalyeeyay Soomaaliya guulaha ay ka gaartay siyaasadda Arrimaha dibadda, isaga oo ballanqaaday in ay si dhow ula shaqeyn doonaan. Labada dhinac waxay carrabka ku adkeeyeen madax-bannaanida iyo xasilloonida Soomaaliya, iyadoo Faransiisku uu xaqiijiyey taageerada uu ka geysanayo dadaallada ka dhanka ah argagixisada, amniga badda, iyo Hawlgalka Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM). Kulanka ayaa waxaa sidoo kale lagu gorfeeyay Iskaashiga dhaqaalaha ee labada dhinac, iyadoo laga wada hadlay dib u soo nooleynta maalgashiga Faransiiska ee kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya, sida kaluumeysiga iwm. Dawldda Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay Faransiiska dib u furista safaaradeeda Muqdisho taasoo ah tallaabo loo qaaday xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed. labada dhinac waxay ka wada hadleen baahida loo qabo la dagaallanka tahriibinta dadka iyo ka hortagga musiibooyinka dabiiciga ah.<\/p>\n","protected":false},"author":8,"featured_media":3637,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[17],"tags":[],"class_list":["post-3636","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-wasaaradda"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/3636","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/8"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=3636"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/3636\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":3638,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/3636\/revisions\/3638"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/3637"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=3636"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=3636"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=3636"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}