{"id":3642,"date":"2024-12-03T15:50:36","date_gmt":"2024-12-03T15:50:36","guid":{"rendered":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/?p=3642"},"modified":"2024-12-03T15:50:36","modified_gmt":"2024-12-03T15:50:36","slug":"war-saxaafadeed-jamhuuriyadda-federaalka-ah-ee-soomaaliya-ayaa-si-weyn-ugu-mahadcelineysa-dawladda-iyo-shacabka-madagascar","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/war-saxaafadeed-jamhuuriyadda-federaalka-ah-ee-soomaaliya-ayaa-si-weyn-ugu-mahadcelineysa-dawladda-iyo-shacabka-madagascar\/","title":{"rendered":"WAR-SAXAAFADEED Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si weyn ugu mahadcelineysa Dawladda iyo shacabka Madagascar"},"content":{"rendered":"<div class=\"xdj266r x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">WAR-SAXAAFADEED<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Muqdisho, Soomaaliya \u2013 Diseembar 3, 2024.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si weyn ugu mahadcelineysa Dawladda iyo shacabka Madagascar, gaar ahaan kalluumeysatada ku dhow Jasiiradda Nosy Iranja, dadaalka geesinimada leh ee ay u galeen soo badbaadinta 47 Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku qalibantay labo doonyood 23-kii November, 2024. Dhacdadan ayaa galaaftay nolosha dad badan oo tiradoodu dhan tahay 28 qof, iyadoo 23 lagu aasay Qabuuraha badda, halka 5 qofna lagu aasay Madagascar.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Dadka badbaaday oo ay ku jiraan 26 haween ah iyo 31 rag ah oo dhallinyaro ah, ayaa loo qaaday Jasiiradda Nosy Be, halkaas oo ay hadda ku sugan yihiin goob loogu talagalay. Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa maamulka Malagasy ayaa dadaal dheer ugu jirta sidii dadkan dib loogu soo celin lahaa dalkooda, dibna ula midoobi lahaayeen qoysaskooda.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Socdaalkan ayaa ka bilowday magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya, iyadoo kooxdan ay soo mareen magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyagoo ku sii jeeday magaalada Mombasa, halkaasoo ay ka raaceen doomo si lama filaan ah ugu dagtay meel u dhow Madagascar. Tani waxay muujinaysaa khataraha soo foodsaartay soogalootiga adduunka oo dhan.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Dowladda Soomaaliya ayaa wufuud heer sare ah u dirtay Madagascar si ay u kormeeraan xaaladda una xaqiijiyaan in kuwa badbaaday ay si nabad ah ku soo laabteen. Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada marxuumka, wuxuuna caddeeyay in dowladdu ay ka go\u2019an tahay ka hortagga musiibooyinka noocan oo kale ah.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">&#8220;Masiibadani waa mid xusuusinaysa safarrada khatarta ah ee ay dad badani galaan si ay u helaan nolol ka wanaagsan. Waxaan uga mahadcelineynaa dadka Madagascar naxariista iyo geesinimada ay u muujiyeen badbaadinta muwaadiniinteenna, waxaana ka go\u2019an inaan xaqiijinno inay si nabad ah ku soo laabtaan,\u201d ayuu yiri wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cali Maxamed Cumar.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\">Sidoo kale, Dowladda ayaa dib u soo celinaysa 109-dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo ku xiran dalka Liibiya, iyadoo lagu wado inay dalka dib ugu soo laabtaan Khamiista, iyadoo sidoo kale loo baahan yahay in la caawiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan dalka Togo iyo gobolla kale.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Dhacdadani waxay hoosta ka xariiqaysaa baahida degdega ah ee loo qabo iskaashi caalami ah si wax looga qabto sababaha asaasiga ah ee tahriibka, oo ay ku jiraan saboolnimada iyo ka ganacsiga dadka. Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa bulshada caalamka inay taageeraan hindisayaasha kor u qaadaya socdaalka badbaadada leh.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\"><img fetchpriority=\"high\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-3643 size-full\" src=\"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/WAR-SAXAAFADEED-MADAGASCAR_page-0001-scaled.jpg\" alt=\"\" width=\"1978\" height=\"2560\" srcset=\"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/WAR-SAXAAFADEED-MADAGASCAR_page-0001-scaled.jpg 1978w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/WAR-SAXAAFADEED-MADAGASCAR_page-0001-232x300.jpg 232w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/WAR-SAXAAFADEED-MADAGASCAR_page-0001-791x1024.jpg 791w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/WAR-SAXAAFADEED-MADAGASCAR_page-0001-768x994.jpg 768w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/WAR-SAXAAFADEED-MADAGASCAR_page-0001-1187x1536.jpg 1187w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/WAR-SAXAAFADEED-MADAGASCAR_page-0001-1583x2048.jpg 1583w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/WAR-SAXAAFADEED-MADAGASCAR_page-0001-500x647.jpg 500w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/WAR-SAXAAFADEED-MADAGASCAR_page-0001-750x971.jpg 750w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/WAR-SAXAAFADEED-MADAGASCAR_page-0001-1140x1475.jpg 1140w\" sizes=\"(max-width: 1978px) 100vw, 1978px\" \/> <img decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-3644 size-full\" src=\"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/WAR-SAXAAFADEED-MADAGASCAR_page-0002-scaled.jpg\" alt=\"\" width=\"1978\" height=\"2560\" srcset=\"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/WAR-SAXAAFADEED-MADAGASCAR_page-0002-scaled.jpg 1978w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/WAR-SAXAAFADEED-MADAGASCAR_page-0002-232x300.jpg 232w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/WAR-SAXAAFADEED-MADAGASCAR_page-0002-791x1024.jpg 791w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/WAR-SAXAAFADEED-MADAGASCAR_page-0002-768x994.jpg 768w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/WAR-SAXAAFADEED-MADAGASCAR_page-0002-1187x1536.jpg 1187w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/WAR-SAXAAFADEED-MADAGASCAR_page-0002-1583x2048.jpg 1583w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/WAR-SAXAAFADEED-MADAGASCAR_page-0002-500x647.jpg 500w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/WAR-SAXAAFADEED-MADAGASCAR_page-0002-750x971.jpg 750w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/WAR-SAXAAFADEED-MADAGASCAR_page-0002-1140x1475.jpg 1140w\" sizes=\"(max-width: 1978px) 100vw, 1978px\" \/><\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>WAR-SAXAAFADEED Muqdisho, Soomaaliya \u2013 Diseembar 3, 2024. Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si weyn ugu mahadcelineysa Dawladda iyo shacabka Madagascar, gaar ahaan kalluumeysatada ku dhow Jasiiradda Nosy Iranja, dadaalka geesinimada leh ee ay u galeen soo badbaadinta 47 Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku qalibantay labo doonyood 23-kii November, 2024. Dhacdadan ayaa galaaftay nolosha dad badan oo tiradoodu dhan tahay 28 qof, iyadoo 23 lagu aasay Qabuuraha badda, halka 5 qofna lagu aasay Madagascar. Dadka badbaaday oo ay ku jiraan 26 haween ah iyo 31 rag ah oo dhallinyaro ah, ayaa loo qaaday Jasiiradda Nosy Be, halkaas oo ay hadda ku sugan yihiin goob loogu talagalay. Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa maamulka Malagasy ayaa dadaal dheer ugu jirta sidii dadkan dib loogu soo celin lahaa dalkooda, dibna ula midoobi lahaayeen qoysaskooda. Socdaalkan ayaa ka bilowday magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya, iyadoo kooxdan ay soo mareen magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyagoo ku sii jeeday magaalada Mombasa, halkaasoo ay ka raaceen doomo si lama filaan ah ugu dagtay meel u dhow Madagascar. Tani waxay muujinaysaa khataraha soo foodsaartay soogalootiga adduunka oo dhan. Dowladda Soomaaliya ayaa wufuud heer sare ah u dirtay Madagascar si ay u kormeeraan xaaladda una xaqiijiyaan in kuwa badbaaday ay si nabad ah ku soo laabteen. Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada marxuumka, wuxuuna caddeeyay in dowladdu ay ka go\u2019an tahay ka hortagga musiibooyinka noocan oo kale ah. &#8220;Masiibadani waa mid xusuusinaysa safarrada khatarta ah ee ay dad badani galaan si ay u helaan nolol ka wanaagsan. Waxaan uga mahadcelineynaa dadka Madagascar naxariista iyo geesinimada ay u muujiyeen badbaadinta muwaadiniinteenna, waxaana ka go\u2019an inaan xaqiijinno inay si nabad ah ku soo laabtaan,\u201d ayuu yiri wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cali Maxamed Cumar. Sidoo kale, Dowladda ayaa dib u soo celinaysa 109-dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo ku xiran dalka Liibiya, iyadoo lagu wado inay dalka dib ugu soo laabtaan Khamiista, iyadoo sidoo kale loo baahan yahay in la caawiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan dalka Togo iyo gobolla kale. Dhacdadani waxay hoosta ka xariiqaysaa baahida degdega ah ee loo qabo iskaashi caalami ah si wax looga qabto sababaha asaasiga ah ee tahriibka, oo ay ku jiraan saboolnimada iyo ka ganacsiga dadka. Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa bulshada caalamka inay taageeraan hindisayaasha kor u qaadaya socdaalka badbaadada leh.<\/p>\n","protected":false},"author":8,"featured_media":3643,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[22,17],"tags":[],"class_list":["post-3642","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-war-saxaafadeed","category-wararka-wasaaradda"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/3642","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/8"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=3642"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/3642\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":3645,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/3642\/revisions\/3645"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/3643"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=3642"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=3642"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=3642"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}