{"id":4391,"date":"2025-01-29T12:05:52","date_gmt":"2025-01-29T12:05:52","guid":{"rendered":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/?p=4391"},"modified":"2025-02-03T12:13:00","modified_gmt":"2025-02-03T12:13:00","slug":"wasiir-ahmed-moallim-fiqi-oo-booqasho-ku-tagay-dhismaha-safaaradda-soomaaliya-ee-tanzania-oo-dayactir-xooggan-uu-ka-socdo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wasiir-ahmed-moallim-fiqi-oo-booqasho-ku-tagay-dhismaha-safaaradda-soomaaliya-ee-tanzania-oo-dayactir-xooggan-uu-ka-socdo\/","title":{"rendered":"Wasiir Ahmed Moallim Fiqi oo booqasho ku tagay dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee Tanzania oo dayactir xooggan uu ka socdo"},"content":{"rendered":"<p>Dar es Salaam (MFA Somalia) \u2013 Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, oo ay wehliyaan Safiirka Safaaradda JFS ee Dalka Tanzania , Danjire Ilyaas Cali Xasan iyo ku xigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada (Villa Somalia), Md. Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan, ayaa booqasho u kuurgalid ah ku tagay dhismaha safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Daarusalaam oo dayactir xooggan uu ka socdo.<\/p>\n<p><img fetchpriority=\"high\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-4393 size-epic-featured-750\" src=\"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/Saf-Tan1-750x500.jpg\" alt=\"\" width=\"750\" height=\"500\" srcset=\"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/Saf-Tan1-750x500.jpg 750w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/Saf-Tan1-300x200.jpg 300w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/Saf-Tan1-1024x682.jpg 1024w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/Saf-Tan1-768x512.jpg 768w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/Saf-Tan1-1536x1023.jpg 1536w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/Saf-Tan1-500x333.jpg 500w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/Saf-Tan1-1140x759.jpg 1140w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/Saf-Tan1.jpg 2048w\" sizes=\"(max-width: 750px) 100vw, 750px\" \/><\/p>\n<p>Danjire Ilayaas oo arrintan hormuud u ah ayaa Wasiir Fiqi warbixin dhammaystiran ka siiyey baaxadda dayactirka xarunta safaaradda, qeybaha cusub ee uu ku soo kordhinayo, naqshadda iyo xaaladdii uu ku sugnaa dhismihii hore ee safaaradda oo ahayd meel aan ku habboonayn baaxadda shaqada iyo adeegyada ay safaarddu u hayso bulshada Soomaaliyeed.<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-4394 size-epic-featured-750\" src=\"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/Saf-Tan2-750x500.jpg\" alt=\"\" width=\"750\" height=\"500\" srcset=\"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/Saf-Tan2-750x500.jpg 750w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/Saf-Tan2-300x200.jpg 300w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/Saf-Tan2-1024x682.jpg 1024w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/Saf-Tan2-768x512.jpg 768w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/Saf-Tan2-1536x1023.jpg 1536w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/Saf-Tan2-500x333.jpg 500w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/Saf-Tan2-1140x759.jpg 1140w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/Saf-Tan2.jpg 2048w\" sizes=\"(max-width: 750px) 100vw, 750px\" \/><\/p>\n<p>Wasiir Fiqi ayaa bogaadiyay halabuurka iyo geesinnimada Safiirka, kuna tilmaamay arrintan tallaabo weyn oo wax ka beddeli doonta muuqaalka iyo billicda safaaradda, korna u qaadi doonta maqaamka iyo maamuuska ay ku dhex leedahay safaaradaha dhiggeeda ah ee ku yaala Tanzania iyo guud ahaan bariga Afrika, wuxuuna ugu yeeray ganacsatada Soomaaliyeed iyo jaaliyadda ku dhaqan dalka Tanzania in ay gacan ka geystaan dhismaha safaaradda oo ah goob loogu adeego muwaadiniinta Soomaaliyeed, loogana shaqeeyo adkaynta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Tanzania.<\/p>\n<p>Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, oo xalay la kulmay ganacsatada ayaa dhankiisa ku dhiirrigeliyey in ay garab istaagaan Danjire Ilyaas oo dadaalkiisa gaarka ah ku bilaabay dib u dayactirka dhismaha safaaradda.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dar es Salaam (MFA Somalia) \u2013 Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, oo ay wehliyaan Safiirka Safaaradda JFS ee Dalka Tanzania , Danjire Ilyaas Cali Xasan iyo ku xigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada (Villa Somalia), Md. Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan, ayaa booqasho u kuurgalid ah ku tagay dhismaha safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Daarusalaam oo dayactir xooggan uu ka socdo. Danjire Ilayaas oo arrintan hormuud u ah ayaa Wasiir Fiqi warbixin dhammaystiran ka siiyey baaxadda dayactirka xarunta safaaradda, qeybaha cusub ee uu ku soo kordhinayo, naqshadda iyo xaaladdii uu ku sugnaa dhismihii hore ee safaaradda oo ahayd meel aan ku habboonayn baaxadda shaqada iyo adeegyada ay safaarddu u hayso bulshada Soomaaliyeed. Wasiir Fiqi ayaa bogaadiyay halabuurka iyo geesinnimada Safiirka, kuna tilmaamay arrintan tallaabo weyn oo wax ka beddeli doonta muuqaalka iyo billicda safaaradda, korna u qaadi doonta maqaamka iyo maamuuska ay ku dhex leedahay safaaradaha dhiggeeda ah ee ku yaala Tanzania iyo guud ahaan bariga Afrika, wuxuuna ugu yeeray ganacsatada Soomaaliyeed iyo jaaliyadda ku dhaqan dalka Tanzania in ay gacan ka geystaan dhismaha safaaradda oo ah goob loogu adeego muwaadiniinta Soomaaliyeed, loogana shaqeeyo adkaynta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Tanzania. Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, oo xalay la kulmay ganacsatada ayaa dhankiisa ku dhiirrigeliyey in ay garab istaagaan Danjire Ilyaas oo dadaalkiisa gaarka ah ku bilaabay dib u dayactirka dhismaha safaaradda.<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":4392,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[17],"tags":[],"class_list":["post-4391","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-wasaaradda"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4391","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=4391"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4391\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4395,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4391\/revisions\/4395"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/4392"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=4391"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=4391"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=4391"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}