{"id":4396,"date":"2025-01-29T12:13:58","date_gmt":"2025-01-29T12:13:58","guid":{"rendered":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/?p=4396"},"modified":"2025-02-03T12:25:36","modified_gmt":"2025-02-03T12:25:36","slug":"4396-2","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/4396-2\/","title":{"rendered":"Wasiirka Arrimaha Dibadda, Mudane Ahmed Moallim Fiqi, ayaa soo gebagebeeyay kulan shaqo oo hal maalin ah oo ay yeesheen mas\u2019uulyiin iyo khubaro tiradoodu dhammayd lixdameeyo"},"content":{"rendered":"<p>Mogadishu (MFA Somalia) &#8211; Wasiirka Arrimaha Dibadda, Mudane Ahmed Moallim Fiqi, ayaa soo gebagebeeyay kulan shaqo oo hal maalin ah oo ay yeesheen mas\u2019uulyiin iyo khubaro tiradoodu dhammayd lixdameeyo qof, kuwaas oo ka kala socday hey\u2019adaha dawladda Federaalka ah iyo laamaha Qarammada Midoobay ee ka hoowlgala Soomaaliya.<\/p>\n<p>Shirka oo ay wadajir u soo qaban qaaabiyeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo howlgalka QM ee UNTMIS, waxay ujeeddadiisu ahayd diyaarinta jadwal faahfaahsan oo ku saabsan shaqooyinka xafiiska siyaasadda ee Qaramda Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) ay sannadka hore ee kala guurka ku wareejineyso Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Laamaha QM.<\/p>\n<p><img fetchpriority=\"high\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-4399 size-epic-featured-750\" src=\"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/UNTMTS-750x500.jpg\" alt=\"\" width=\"750\" height=\"500\" srcset=\"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/UNTMTS-750x500.jpg 750w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/UNTMTS-300x200.jpg 300w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/UNTMTS-1024x682.jpg 1024w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/UNTMTS-768x512.jpg 768w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/UNTMTS-500x333.jpg 500w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/UNTMTS-1140x760.jpg 1140w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/UNTMTS.jpg 1280w\" sizes=\"(max-width: 750px) 100vw, 750px\" \/><\/p>\n<p>Wasiirka oo hadal ka jeediyay munaasabadda xirirtaankeeda ayaa wuxuu ka mahadceliyay kaalinta uu Howlgalka QM ka qaatay Qaran dhiska Soomaaliya.<\/p>\n<p>Wuxuuna sheegay in haatan ay Dowladda Soomaaliya samaysay horumar dhinacyo badan leh isla markaana ay baahiyadii hortabinta u lahaa is beddeleen.<\/p>\n<p>Wuxuu sheegay in marka muddada labada sano ah ee kala guurku ay dhammaato, ay QM iyo hey\u2019ad kasta oo Soomaaliya ka howlgaleysaa ay barnaamijyadeeda iyo mashaariicdeeda ku saleyn doonto Hindisaha Isbedekka Qaran ee loo soo gaabiyo NTP.<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-4397 size-epic-featured-750\" src=\"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/UNTMS1-750x500.jpg\" alt=\"\" width=\"750\" height=\"500\" srcset=\"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/UNTMS1-750x500.jpg 750w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/UNTMS1-300x200.jpg 300w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/UNTMS1-1024x682.jpg 1024w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/UNTMS1-768x512.jpg 768w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/UNTMS1-500x333.jpg 500w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/UNTMS1-1140x760.jpg 1140w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/UNTMS1.jpg 1280w\" sizes=\"(max-width: 750px) 100vw, 750px\" \/><\/p>\n<p>Wuxuu mas\u2019uuliyiinta shirka ka soo qeyb gashay uu kula dardaarmay in waqtiga kala guurku ahaado mid macquul oo si deggan Loo maareeyo oo aan lala daahin ayadoo howl kasta daraasad lagu samaynayo ka dibna loo asteeyo xilliga ugu habboon ee ay tahay in hey\u2019addii dawladeed ee lahayd lagu wareego.<\/p>\n<p>Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa, Danjire James Swan, oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM.<\/p>\n<p>Wasiirka iyo Ergeygu waxay si weyn ugu mahadceliyaan howlkarnimada mas\u2019uuliyiinta iyo khubarada ka qeyb galay dejinta qorshaha faahfaahsan ee kala guurka, kaas oo loo gudbin doono Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay bisha Maarso ee sannadkan.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Mogadishu (MFA Somalia) &#8211; Wasiirka Arrimaha Dibadda, Mudane Ahmed Moallim Fiqi, ayaa soo gebagebeeyay kulan shaqo oo hal maalin ah oo ay yeesheen mas\u2019uulyiin iyo khubaro tiradoodu dhammayd lixdameeyo qof, kuwaas oo ka kala socday hey\u2019adaha dawladda Federaalka ah iyo laamaha Qarammada Midoobay ee ka hoowlgala Soomaaliya. Shirka oo ay wadajir u soo qaban qaaabiyeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo howlgalka QM ee UNTMIS, waxay ujeeddadiisu ahayd diyaarinta jadwal faahfaahsan oo ku saabsan shaqooyinka xafiiska siyaasadda ee Qaramda Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) ay sannadka hore ee kala guurka ku wareejineyso Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Laamaha QM. Wasiirka oo hadal ka jeediyay munaasabadda xirirtaankeeda ayaa wuxuu ka mahadceliyay kaalinta uu Howlgalka QM ka qaatay Qaran dhiska Soomaaliya. Wuxuuna sheegay in haatan ay Dowladda Soomaaliya samaysay horumar dhinacyo badan leh isla markaana ay baahiyadii hortabinta u lahaa is beddeleen. Wuxuu sheegay in marka muddada labada sano ah ee kala guurku ay dhammaato, ay QM iyo hey\u2019ad kasta oo Soomaaliya ka howlgaleysaa ay barnaamijyadeeda iyo mashaariicdeeda ku saleyn doonto Hindisaha Isbedekka Qaran ee loo soo gaabiyo NTP. Wuxuu mas\u2019uuliyiinta shirka ka soo qeyb gashay uu kula dardaarmay in waqtiga kala guurku ahaado mid macquul oo si deggan Loo maareeyo oo aan lala daahin ayadoo howl kasta daraasad lagu samaynayo ka dibna loo asteeyo xilliga ugu habboon ee ay tahay in hey\u2019addii dawladeed ee lahayd lagu wareego. Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa, Danjire James Swan, oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM. Wasiirka iyo Ergeygu waxay si weyn ugu mahadceliyaan howlkarnimada mas\u2019uuliyiinta iyo khubarada ka qeyb galay dejinta qorshaha faahfaahsan ee kala guurka, kaas oo loo gudbin doono Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay bisha Maarso ee sannadkan.<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":4398,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[17],"tags":[],"class_list":["post-4396","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-wasaaradda"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4396","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=4396"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4396\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4402,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4396\/revisions\/4402"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/4398"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=4396"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=4396"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=4396"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}