{"id":4502,"date":"2025-02-18T09:04:36","date_gmt":"2025-02-18T09:04:36","guid":{"rendered":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/?p=4502"},"modified":"2025-02-18T09:23:15","modified_gmt":"2025-02-18T09:23:15","slug":"soomaaliya-iyo-undp-oo-ka-wadahadlay-istiraatiijiyadaha-qaran-ee-horumarka-heyadaha-dowladda-iyo-dhaqaalaha-dalka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/soomaaliya-iyo-undp-oo-ka-wadahadlay-istiraatiijiyadaha-qaran-ee-horumarka-heyadaha-dowladda-iyo-dhaqaalaha-dalka\/","title":{"rendered":"Soomaaliya iyo UNDP oo ka wadahadlay istiraatiijiyadaha qaran ee horumarka hey&#8217;adaha dowladda iyo dhaqaalaha dalka"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho (MFA Somalia) \u2013 Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Xamsa Aadan Xaadow, ayaa maanta oo talaado ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda, Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, ahna Kaaliyaha Maarreeyaha UNDP, ahna Agaasime goboleedka UNDP ee wadamada Carabta, Dr. Abdallah Al Dardari, isaga oo kala hadlay sare-u-qaadidda ka wadashaqaynta barnaamijyada horumarinta iyo taabagelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP).<\/p>\n<p><img fetchpriority=\"high\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-4506 size-epic-1140x815\" src=\"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/WhatsApp-Image-2025-02-18-at-11.50.16-1-1140x815.jpeg\" alt=\"\" width=\"1140\" height=\"815\" srcset=\"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/WhatsApp-Image-2025-02-18-at-11.50.16-1-1140x815.jpeg 1140w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/WhatsApp-Image-2025-02-18-at-11.50.16-1-120x86.jpeg 120w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/WhatsApp-Image-2025-02-18-at-11.50.16-1-350x250.jpeg 350w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/WhatsApp-Image-2025-02-18-at-11.50.16-1-750x536.jpeg 750w\" sizes=\"(max-width: 1140px) 100vw, 1140px\" \/>Kulanka ayaa diiradda lagu saarray horumarinta hindiseyaasha horumarineed ee ay hormuudka ka tahay Soomaaliya, is-dhexgalka gobolka, tayeynta hay\u2019adaha dowliga, dejinta qorshe lagu horumarinayo caasimadda Muqdisho si ay u yeelato waddooyin ballaaran oo hab casri ah u dhisan, istiraatiijiyadaha ku biirista Soomaaliya ee Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO), xoojinta ka faaidaysiga dalka ee dhaqaalaha baluugga, si gaar ah kaluumaysiga.<img decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-4507 size-full\" src=\"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/WhatsApp-Image-2025-02-18-at-11.50.16.jpeg\" alt=\"\" width=\"1280\" height=\"853\" srcset=\"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/WhatsApp-Image-2025-02-18-at-11.50.16.jpeg 1280w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/WhatsApp-Image-2025-02-18-at-11.50.16-300x200.jpeg 300w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/WhatsApp-Image-2025-02-18-at-11.50.16-1024x682.jpeg 1024w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/WhatsApp-Image-2025-02-18-at-11.50.16-768x512.jpeg 768w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/WhatsApp-Image-2025-02-18-at-11.50.16-500x333.jpeg 500w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/WhatsApp-Image-2025-02-18-at-11.50.16-750x500.jpeg 750w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/WhatsApp-Image-2025-02-18-at-11.50.16-1140x760.jpeg 1140w\" sizes=\"(max-width: 1280px) 100vw, 1280px\" \/><br \/>\nFadhigani, ayaa sidoo kale la iskula soo hadal-qaaday naqshadaynta kaalinta qurbajoogta ay ku leeyihiin kobaca iyo horumarka iyo taageeridda doorashooyinka dowladaha hoose ee la qorsheeyay in ay qabsoomaan inta lagu guda-jiro sanadkan 2025.<img decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-4508 size-epic-1140x815\" src=\"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/1V8A1757-copy-1140x815.jpg\" alt=\"\" width=\"1140\" height=\"815\" srcset=\"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/1V8A1757-copy-1140x815.jpg 1140w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/1V8A1757-copy-120x86.jpg 120w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/1V8A1757-copy-350x250.jpg 350w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/1V8A1757-copy-750x536.jpg 750w\" sizes=\"(max-width: 1140px) 100vw, 1140px\" \/>Labada dhinac ayaa waxa ay muujiyeen muhiimadda ay leedahay ka gudbidda Soomaaliya gargaarka bini\u2019aadantinimo, una gudubto heer horumar waara, si looga dhabeeyo ka guul-keenidda barwaaqo-sooran muddo fog jira.<img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-4505 size-epic-1140x815\" src=\"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/1V8A1789-copy-1140x815.jpg\" alt=\"\" width=\"1140\" height=\"815\" srcset=\"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/1V8A1789-copy-1140x815.jpg 1140w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/1V8A1789-copy-120x86.jpg 120w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/1V8A1789-copy-350x250.jpg 350w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/1V8A1789-copy-750x536.jpg 750w\" sizes=\"(max-width: 1140px) 100vw, 1140px\" \/>Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay mas&#8217;uuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda oo ay ka mid yihiin, Agaasimaha Guud ee Arrimaha Bulshada Bariga Afrika ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Isaaq Ibraahim (Fatiir), Agaasimaha Waaxda Hab-maamuuska ee Wasaaradda, Mudane Xuseen Sheekh Cabdisalaan, Agaasimaha Waaxda Ururrada Caalamiga ee Wasaaradda, Mudane Xasan Maxamed Cali, Agaasimaha Waaxda Warbaahinta ee Wasaaradda, Mudane Cali Cabdi Cali Xooshow, iyo Agaasimaha Waaxda Qurbajoogta iyo Jaaliyadaha ee Wasaaradda, Mudane Ibraahim Guure Maxamed.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho (MFA Somalia) \u2013 Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Xamsa Aadan Xaadow, ayaa maanta oo talaado ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda, Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, ahna Kaaliyaha Maarreeyaha UNDP, ahna Agaasime goboleedka UNDP ee wadamada Carabta, Dr. Abdallah Al Dardari, isaga oo kala hadlay sare-u-qaadidda ka wadashaqaynta barnaamijyada horumarinta iyo taabagelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP). Kulanka ayaa diiradda lagu saarray horumarinta hindiseyaasha horumarineed ee ay hormuudka ka tahay Soomaaliya, is-dhexgalka gobolka, tayeynta hay\u2019adaha dowliga, dejinta qorshe lagu horumarinayo caasimadda Muqdisho si ay u yeelato waddooyin ballaaran oo hab casri ah u dhisan, istiraatiijiyadaha ku biirista Soomaaliya ee Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO), xoojinta ka faaidaysiga dalka ee dhaqaalaha baluugga, si gaar ah kaluumaysiga. Fadhigani, ayaa sidoo kale la iskula soo hadal-qaaday naqshadaynta kaalinta qurbajoogta ay ku leeyihiin kobaca iyo horumarka iyo taageeridda doorashooyinka dowladaha hoose ee la qorsheeyay in ay qabsoomaan inta lagu guda-jiro sanadkan 2025.Labada dhinac ayaa waxa ay muujiyeen muhiimadda ay leedahay ka gudbidda Soomaaliya gargaarka bini\u2019aadantinimo, una gudubto heer horumar waara, si looga dhabeeyo ka guul-keenidda barwaaqo-sooran muddo fog jira.Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay mas&#8217;uuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda oo ay ka mid yihiin, Agaasimaha Guud ee Arrimaha Bulshada Bariga Afrika ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Isaaq Ibraahim (Fatiir), Agaasimaha Waaxda Hab-maamuuska ee Wasaaradda, Mudane Xuseen Sheekh Cabdisalaan, Agaasimaha Waaxda Ururrada Caalamiga ee Wasaaradda, Mudane Xasan Maxamed Cali, Agaasimaha Waaxda Warbaahinta ee Wasaaradda, Mudane Cali Cabdi Cali Xooshow, iyo Agaasimaha Waaxda Qurbajoogta iyo Jaaliyadaha ee Wasaaradda, Mudane Ibraahim Guure Maxamed.<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":4504,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[17],"tags":[],"class_list":["post-4502","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-wasaaradda"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4502","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=4502"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4502\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4512,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4502\/revisions\/4512"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/4504"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=4502"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=4502"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=4502"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}