{"id":4874,"date":"2025-05-15T22:10:49","date_gmt":"2025-05-15T22:10:49","guid":{"rendered":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/?p=4874"},"modified":"2025-05-17T07:09:37","modified_gmt":"2025-05-17T07:09:37","slug":"soomaaliya-oo-ka-qeyb-gashay-shirka-heer-wasiir-arrimo-dibadeed-ee-loogu-gogol-xaarayo-shir-madaxeedka-34-aad-ee-carabta-oo-ka-furmaya-baqdaad","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/soomaaliya-oo-ka-qeyb-gashay-shirka-heer-wasiir-arrimo-dibadeed-ee-loogu-gogol-xaarayo-shir-madaxeedka-34-aad-ee-carabta-oo-ka-furmaya-baqdaad\/","title":{"rendered":"Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shirka heer Wasiir Arrimo Dibadeed ee loogu gogol-xaarayo Shir-madaxeedka 34-aad ee Carabta oo ka furmaya Baqdaad"},"content":{"rendered":"<p>Baghdad (MFA Somalia) &#8211; Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Khamiis ah kaga qeybgalay Magaalada Baghdad Shirka heer Wasiir Arrimo Dibadeed ee loogu gogol-xaarayay Shir-madaxeedka 34aad ee Carabta, waxaana shir-guddoomiyay Ra&#8217;iisul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Ciraaq, Mudane Fuad Hussein, iyadoo uu goob-joog ka ahaa Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Mudane Ahmed Aboul Gheit.<\/p>\n<p>Kadib furitaanka shirka, Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carbeed waxa ay yeesheen kulan albaabadu u xiranyihiin oo ay dib ugu eegeen, kuna go&#8217;aamiyeen ajandaha shir-madaxeedka iyo go&#8217;aannada qabyada ah oo loo gudbin doono madaxda carbeed si ay uga baaraan-degaan, uguna meel-mariyaan shir-madaxeedkooda furmaya 17 May.<img fetchpriority=\"high\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-4876 size-full\" src=\"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/iraq2.jpg\" alt=\"\" width=\"1000\" height=\"667\" srcset=\"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/iraq2.jpg 1000w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/iraq2-300x200.jpg 300w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/iraq2-768x512.jpg 768w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/iraq2-500x334.jpg 500w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/iraq2-750x500.jpg 750w\" sizes=\"(max-width: 1000px) 100vw, 1000px\" \/>Ajandaha shirka ayaa waxaa ka mid ah sideed qodob oo muhiim ah oo diiradda saaraya xoojinta tallaabo-qaadka carbeed ee wadajirka ah oo ay ugu horrayso arrinta Falastiin, amniga qaranka carbeed, iyo dadaallada la dagaalanka argagixisada.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Baghdad (MFA Somalia) &#8211; Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Khamiis ah kaga qeybgalay Magaalada Baghdad Shirka heer Wasiir Arrimo Dibadeed ee loogu gogol-xaarayay Shir-madaxeedka 34aad ee Carabta, waxaana shir-guddoomiyay Ra&#8217;iisul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Ciraaq, Mudane Fuad Hussein, iyadoo uu goob-joog ka ahaa Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Mudane Ahmed Aboul Gheit. Kadib furitaanka shirka, Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carbeed waxa ay yeesheen kulan albaabadu u xiranyihiin oo ay dib ugu eegeen, kuna go&#8217;aamiyeen ajandaha shir-madaxeedka iyo go&#8217;aannada qabyada ah oo loo gudbin doono madaxda carbeed si ay uga baaraan-degaan, uguna meel-mariyaan shir-madaxeedkooda furmaya 17 May.Ajandaha shirka ayaa waxaa ka mid ah sideed qodob oo muhiim ah oo diiradda saaraya xoojinta tallaabo-qaadka carbeed ee wadajirka ah oo ay ugu horrayso arrinta Falastiin, amniga qaranka carbeed, iyo dadaallada la dagaalanka argagixisada. &nbsp;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":4875,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[17],"tags":[88],"class_list":["post-4874","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-wasaaradda","tag-iraq-and-somalia"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4874","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=4874"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4874\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4877,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4874\/revisions\/4877"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/4875"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=4874"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=4874"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=4874"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}