{"id":4977,"date":"2025-06-10T16:55:23","date_gmt":"2025-06-10T16:55:23","guid":{"rendered":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/?p=4977"},"modified":"2025-06-11T13:03:21","modified_gmt":"2025-06-11T13:03:21","slug":"soomaaliya-iyo-kenya-oo-isfaham-buuxa-ka-muujiyay-ixtiraamka-madax-bannaanida-soomaaliya-iyo-iskaashiga-gobolka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/soomaaliya-iyo-kenya-oo-isfaham-buuxa-ka-muujiyay-ixtiraamka-madax-bannaanida-soomaaliya-iyo-iskaashiga-gobolka\/","title":{"rendered":"Soomaaliya iyo Kenya oo Isfaham Buuxa Ka Muujiyay Ixtiraamka Madax-bannaanida Soomaaliya iyo Iskaashiga Gobolka"},"content":{"rendered":"<p>Changsha, Shiinaha \u2013 (MFA Somalia)<br \/>\nWasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Cabdi Cali (Dhaay), ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay dhiggiisa Kenya, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta, Mudane Musalia Mudavadi, xilli uu socday Shirka heer-wasiir ee Isuduweyaasha FOCAC, oo lagu qabtay magaalada Changsha ee dalka Shiinaha.<\/p>\n<p>Kulankaasi ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, iyadoo Wasiir Abdisalam uu si cad u adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dhammaan wada-hadallada iyo iskaashiyada laba-geesoodka iyo kuwa caalamiga ahba lagu fuliyo oo keliya iyada oo loo marayo hay\u2019adaha dastuuriga ah ee dalka. Wasiirku wuxuu si xooggan u muujiyay in la dhowro madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, taasoo uu ku tilmaamay aasaaska deris wanaagga iyo xasilloonida guud ee gobolka.<img fetchpriority=\"high\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-4980 size-full\" src=\"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/dhaayy2.jpg\" alt=\"\" width=\"1600\" height=\"1170\" srcset=\"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/dhaayy2.jpg 1600w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/dhaayy2-300x219.jpg 300w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/dhaayy2-1024x749.jpg 1024w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/dhaayy2-768x562.jpg 768w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/dhaayy2-1536x1123.jpg 1536w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/dhaayy2-500x366.jpg 500w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/dhaayy2-750x548.jpg 750w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/dhaayy2-1140x834.jpg 1140w\" sizes=\"(max-width: 1600px) 100vw, 1600px\" \/><br \/>\nDhankiisa, Wasiir Mudavadi wuxuu mar kale ku celiyay mowqifka dawladda Kenya ee ah in ay si buuxda u taageersan tahay midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo la tixraacayo mabaa\u2019diida deris wanaagga, xushmadda qarannimada, iyo wadajirka gobolka.<\/p>\n<p>Labada dhinac waxay isku raaceen in la dedejiyo qabsoomidda kulanka Guddiga Iskaashiga Wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Kenya (JCC), si loo dhamaystiro heshiisyadii hore ee hakadka galay, loogana shaqeeyo horumarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, waxbarashada, kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo arrimaha amniga.<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-4979 size-full\" src=\"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/dhaayy1.jpg\" alt=\"\" width=\"1600\" height=\"944\" srcset=\"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/dhaayy1.jpg 1600w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/dhaayy1-300x177.jpg 300w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/dhaayy1-1024x604.jpg 1024w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/dhaayy1-768x453.jpg 768w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/dhaayy1-1536x906.jpg 1536w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/dhaayy1-500x295.jpg 500w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/dhaayy1-750x443.jpg 750w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/dhaayy1-1140x673.jpg 1140w\" sizes=\"(max-width: 1600px) 100vw, 1600px\" \/><br \/>\nSoomaaliya ayaa uga mahadcelisay Kenya kaalinta ay ku leedahay nabad ilaalinta Soomaaliya, gaar ahaan doorka muuqda ee ay ka ciyaartay howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, oo Kenya ay in ka badan 25 sano qayb muhiim ah ka ahayd.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Changsha, Shiinaha \u2013 (MFA Somalia) Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Cabdi Cali (Dhaay), ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay dhiggiisa Kenya, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta, Mudane Musalia Mudavadi, xilli uu socday Shirka heer-wasiir ee Isuduweyaasha FOCAC, oo lagu qabtay magaalada Changsha ee dalka Shiinaha. Kulankaasi ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, iyadoo Wasiir Abdisalam uu si cad u adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dhammaan wada-hadallada iyo iskaashiyada laba-geesoodka iyo kuwa caalamiga ahba lagu fuliyo oo keliya iyada oo loo marayo hay\u2019adaha dastuuriga ah ee dalka. Wasiirku wuxuu si xooggan u muujiyay in la dhowro madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, taasoo uu ku tilmaamay aasaaska deris wanaagga iyo xasilloonida guud ee gobolka. Dhankiisa, Wasiir Mudavadi wuxuu mar kale ku celiyay mowqifka dawladda Kenya ee ah in ay si buuxda u taageersan tahay midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo la tixraacayo mabaa\u2019diida deris wanaagga, xushmadda qarannimada, iyo wadajirka gobolka. Labada dhinac waxay isku raaceen in la dedejiyo qabsoomidda kulanka Guddiga Iskaashiga Wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Kenya (JCC), si loo dhamaystiro heshiisyadii hore ee hakadka galay, loogana shaqeeyo horumarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, waxbarashada, kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo arrimaha amniga. Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay Kenya kaalinta ay ku leedahay nabad ilaalinta Soomaaliya, gaar ahaan doorka muuqda ee ay ka ciyaartay howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, oo Kenya ay in ka badan 25 sano qayb muhiim ah ka ahayd.<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":4978,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[17],"tags":[100],"class_list":["post-4977","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-wasaaradda","tag-soomaaliya-iyo-kenya"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4977","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=4977"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4977\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4981,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4977\/revisions\/4981"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/4978"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=4977"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=4977"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=4977"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}