{"id":4983,"date":"2025-06-10T17:03:42","date_gmt":"2025-06-10T17:03:42","guid":{"rendered":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/?p=4983"},"modified":"2025-06-11T13:18:39","modified_gmt":"2025-06-11T13:18:39","slug":"wasiirka-arrimaha-dibadda-oo-kulan-dhiirrigelin-ah-la-qaatay-ardayda-soomaaliyeed-ee-wax-ka-barta-magaalada-changsha-shiinaha","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wasiirka-arrimaha-dibadda-oo-kulan-dhiirrigelin-ah-la-qaatay-ardayda-soomaaliyeed-ee-wax-ka-barta-magaalada-changsha-shiinaha\/","title":{"rendered":"Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Kulan Dhiirrigelin ah la qaatay Ardayda Soomaaliyeed ee Wax Ka Barta Magaalada Changsha, Shiinaha."},"content":{"rendered":"<p>Changsha, Shiinaha (MFA Somalia) \u2013 Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalam Cabdi Cali (Dhaay), ayaa maanta kulan dhiirrigelin iyo dardaaran isugu jira la yeeshay ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata magaalada Changsha, gobolka Hunan ee dalka Shiinaha.<\/p>\n<p>Kulankan ayaa ahaa mid miro-dhal ah, waxaana uu Wasiirku fursad u siiyey ardayda inay si furan ula wadaagaan waayo-aragnimadooda nololeed iyo waxbarasho, caqabadaha ay wajahaan, iyo himilooyinka ay ka leeyihiin mustaqbalkooda iyo doorka ay ka qaadan karaan dib-u-dhiska iyo horumarinta dalkooda hooyo. Wasiir Dhaay ayaa si gaar ah ugu bogaadiyey dadaalka iyo kartida ardayda Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Shiinaha, isaga oo xusay inay yihiin safiiro matalaya Dalkooda, kuna leh door muhiim ah horumarka dalka.<\/p>\n<p><img fetchpriority=\"high\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-4984 size-full\" src=\"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/dhaayay03.jpg\" alt=\"\" width=\"1600\" height=\"1066\" srcset=\"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/dhaayay03.jpg 1600w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/dhaayay03-300x200.jpg 300w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/dhaayay03-1024x682.jpg 1024w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/dhaayay03-768x512.jpg 768w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/dhaayay03-1536x1023.jpg 1536w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/dhaayay03-500x333.jpg 500w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/dhaayay03-750x500.jpg 750w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/dhaayay03-1140x760.jpg 1140w\" sizes=\"(max-width: 1600px) 100vw, 1600px\" \/><br \/>\nIntii uu ku sugnaa magaalada Changsha, Wasiirku waxa uu booqday Akadeemiyadda Taariikhiga ah ee Yuelu, oo ah xarun aqooneed oo fac weyn leh, kana mid ah meelaha ugu caansan ee lagu kaydiyo taariikhda iyo aqoonta dalka Shiinaha, muddo ka badan kun sano. Sidoo kale, Wasiirku waxa uu kormeer ku tagay Machadka Daraasaadka Afrika ee Jaamacadda Hunan (Institute of African Studies), halkaas oo uu ku ammaanay dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo xiriirka cilmiyeed, dhaqameed, iyo mid istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya Afrika iyo Shiinaha.<img decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-4986 size-full\" src=\"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/dhaayy02.jpg\" alt=\"\" width=\"1600\" height=\"1066\" srcset=\"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/dhaayy02.jpg 1600w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/dhaayy02-300x200.jpg 300w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/dhaayy02-1024x682.jpg 1024w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/dhaayy02-768x512.jpg 768w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/dhaayy02-1536x1023.jpg 1536w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/dhaayy02-500x333.jpg 500w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/dhaayy02-750x500.jpg 750w, https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/dhaayy02-1140x760.jpg 1140w\" sizes=\"(max-width: 1600px) 100vw, 1600px\" \/><br \/>\nBooqashada Wasiirka ee magaalada Changsha ayaa muujinaysa sida ay uga go\u2019an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya garab istaagga ardayda Soomaaliyeed ee wax ku barta dibadda, iyo sidoo kale horumarinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Changsha, Shiinaha (MFA Somalia) \u2013 Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalam Cabdi Cali (Dhaay), ayaa maanta kulan dhiirrigelin iyo dardaaran isugu jira la yeeshay ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata magaalada Changsha, gobolka Hunan ee dalka Shiinaha. Kulankan ayaa ahaa mid miro-dhal ah, waxaana uu Wasiirku fursad u siiyey ardayda inay si furan ula wadaagaan waayo-aragnimadooda nololeed iyo waxbarasho, caqabadaha ay wajahaan, iyo himilooyinka ay ka leeyihiin mustaqbalkooda iyo doorka ay ka qaadan karaan dib-u-dhiska iyo horumarinta dalkooda hooyo. Wasiir Dhaay ayaa si gaar ah ugu bogaadiyey dadaalka iyo kartida ardayda Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Shiinaha, isaga oo xusay inay yihiin safiiro matalaya Dalkooda, kuna leh door muhiim ah horumarka dalka. Intii uu ku sugnaa magaalada Changsha, Wasiirku waxa uu booqday Akadeemiyadda Taariikhiga ah ee Yuelu, oo ah xarun aqooneed oo fac weyn leh, kana mid ah meelaha ugu caansan ee lagu kaydiyo taariikhda iyo aqoonta dalka Shiinaha, muddo ka badan kun sano. Sidoo kale, Wasiirku waxa uu kormeer ku tagay Machadka Daraasaadka Afrika ee Jaamacadda Hunan (Institute of African Studies), halkaas oo uu ku ammaanay dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo xiriirka cilmiyeed, dhaqameed, iyo mid istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya Afrika iyo Shiinaha. Booqashada Wasiirka ee magaalada Changsha ayaa muujinaysa sida ay uga go\u2019an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya garab istaagga ardayda Soomaaliyeed ee wax ku barta dibadda, iyo sidoo kale horumarinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha.<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":4985,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[17],"tags":[],"class_list":["post-4983","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-wasaaradda"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4983","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=4983"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4983\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4987,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4983\/revisions\/4987"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/4985"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=4983"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=4983"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/web.mfa.gov.so\/v2_so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=4983"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}