Washington, 20 September, 2024 –
Madaxweynaha Dalka Mareykanka, H.E Joe Biden, ayaa waxa uu Aqalka Cad kaga Gudoomay warqadihiisa aqoonsiga, Safiirka cusub ee Soomaaliya dhawaan u magacawday Dalka Mareykanka, Danjire Daahir Xasan.
Safiirka ayaa waxa uu Madaxweyne Biden u gudbiyay dhambaal qoraal ah oo uu ka siday Madaxweynaha J.F.S, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo hoosta ka xariiqay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta xiriirka kala dhexeeya Mareykanka.
Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa waxaa ka dhaxeeya iskaashi Taariikhi ah, kaasoo la xariira dhinacyada Amniga, Horumarinta dhaqaalaha, iyo Xiriirka Diblomaasiyadda.
Kulankan ayaa astaan u ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinaayo iskaashiga labada dal, gaar ahaan ka wada shaqaynta xasilloonida Gobolka.

