Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga Ah

Machadka Diblomaasiyadda oo qabtay maanta dood cilmiyeed ku saabsan xaaladda diblomaasiyadda Soomaaliya

Muqdisho (MFA Somalia) – Dood cilmiyeed ku saabsan “Diblomaasiyadda Soomaaliya iyo ka jawaabisteeda caqabadaha heer goboleed iyo Caalami” oo maanta lagu qabtay xarunta Machadka Diblomaasiyadda iyo Tababbarada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa lagu soo bandhigay waayihii taariikheed ee diblomaasiyadda dalka ay soo martay iyo caqabadaha ay wajahday heer gobol iyo caalami.

Agaasimaha Machadka Maxamed Maxamuud Guure ayaa ku soo dhoweeyay madasha Danjire Saciid Xaaji Maxamuud Dheere iyo Danjire Daahir Maxamuud Geelle, oo doodda fallanqaynayay, kana faalloonayay mowduuca, iyadoo ka qeybgalayaasha ay su’aallo weydiiyeen.

Agaasimaha cusub ee Machadka ayaa dardargelinaya howlaha loo igmaday si sare ugu qaado waxqabadka iyo tayada .