Muqdisho (MFA Somalia) – Agaasimaha Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda, Mudane Maxamed Maxamuud Guure, ayaa maanta oo Arbaco ah ka guddoomay Dr. Xasan Maxamed Nuur, 200 oo buug oo ka qeyb ah 560 buug oo Machadku ku yabooheen qaar ka mid ah kaqeybgalayaashii dood cilmiyeed Machadku qaban-qaabiyay oo lagu qabtay hotel Jazeera ee Muqdisho 16 Maarso.

Munaasabadda lagu guddoomayay buugaagta ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed.

Buugaagtani ayaa wax ka tari doonta Maktabadda Machadka oo kobac uu ku socdo.

