Muqdisho (MFA Somalia) – Illaa iyo 20 ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa maanta oo Talaado ah ka ambabaxay Caasimadda Muqdisho iyaga oo ku sii jeeda magaalada Beijing si ay uga qeybgalaan tababbar soconaya muddo 14 cisho oo ay qaban-qaabisay Dowladda Shiinaha. Barnaamijkani ayaa waxaa loogu talagalay in kor loogu qaado xirfadaha iyo aqoonta diblomaasiyiinta Soomaaliyeed.
Mudane Saciid Jaamac Mire, Agaasimaha Waaxda Aasiya iyo Australia ee Wasaaradda, ayaa bogaadiyay xafladda sagootinta ah ee ay Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho u qabatay, isaga oo caddeeyay kaalinta tababbarku ka qaadanayo aqoon-dhiska shaqaalaha Wasaaradda iyo horumarinta khibradda diblomaasiyiinta.

