Muqdisho (MFA Somalia) – Waxaa inoo farxad ah inaan shaacinno in Danjire Axmed Macallin Fiqi loo magacaabay maanta xilka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kadib wareegto magacaabid ee uu soo saaray Ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Nala soo dhoweeya Wasiir Fiqi oo dhowaan la wareegi doona xilkani muhiimka ah. Waxa aan ku qabnaa kalsooni buuxda awoodihiisa, sidoo kale waxa aan ku rajo weynahay hoggaamintiisa suuban, khibradihiisa iyo waayo-aragnimadiisa inay hore u dhaqaajiso dadaallada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya, xoojisana xiriirka caalamiga, kobcisana iskaashiga iyo wax wadaagga qiimaha leh

