Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga Ah

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda oo shahaado sharaf guddoonsiiyay Bankiga IBS oo qabsoomidda shirka maalgeshiga Qurba-joogta Soomaaliyeed gacan ka geystay

Muqdisho (MFA Somalia) – Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Isaaq Maxamuud Mursal, ayaa maanta soo xiray Isku-imaatinka Maalgeshiga Qurba-joogta Soomaaliyeed ee lagu qabtay Caasimadda Muqdisho, oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, baarlamaanka iyo maalgeshato qurbo-joog ah.


Wasiir-kuxigeenka ayaa shahaado mahadnaq ah guddoonsiiyay Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Sare ee Bankiga IBS, Mudane Cabdirisaaq Cali Warsame, kaalinta wacan ee uu ka qaatay qabsoomidda iyo guulaysiga shirka oo maalgelintiisu ay lahayd bankigiisa.


Wasiir kuxigeenka ayaa madasha ka sheegay in maalgeshiga iyo dib u dhiska dalka ay yihiin kuwa ay dowladdu dhiirrigelinayso, kuna garab-taagantahay ganacsatada iyo maalgeshatada qurba-joogta, isagoo xusay in Soomaaliya ay ku jirto geedi-socod horumar iyo barwaaqo leh kadib ka soo kabashadeedii dagaallada sokeeye.