Muqdisho (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta shir-guddoomiyay shirka agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda oo lagu soo bandhigay hannaan lagu casriyaynayo, loogagana dhigayo hab “degital” ah howlaheeda kala duwan.

Hannaankan ayaa suuragalinaya in Wasaaraddu ka dhabayso hiigsigeeda qaran, laguna maareeyo adeegyada ay bixiso, laguna hubiyo hufnaanta shaqo.

