Muqdisho (MFA Somalia) – Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Xamsa Aadan Xaadow, ayaa maanta shir-guddoomiyay kulan wadatashi oo ku saabsan ka qeybgalka Soomaaliya ee Shir-madaxeedka Shiinaha iyo Afrika ee lagu wado inuu qabsoomo 3-8 September.

Kulanka wadatashiga oo ay ka soo qeybgaleen Cabdi Diirshe, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga, Yuusuf Xasan Isaaq, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Maxamuud Maxamed Maxamuud, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, Maxamed Xasan Shire, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha iyo Axmed Yuusuf Axmed, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Cimilada.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa xoojisay wadashaqaynta dhow ee ay la leedahay Wasaaradaha, hey’adaha iyo wakaaladaha qaranka si wadatashiga iyo iskuduwidda ay u noqdaan kuwa sare u qaada ajandayaasha dowladdu la tagi doonto shir-madaxeedkaasi.

