Muqdisho (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Sabti ah shirguddoomiyay kulan ay ka qeybgaleen Xoghayaha Joogtada iyo 16 agaasime waaxeed ee Wasaaradda oo lagaga hadlay sare u qaadidda waxqabadka iyo ka guul keenidda waxyaabaha mudnaanta u leh siyaasadda dibadda iyadoo loo marayo iskuduwid waxtar leh iyo hindisayaal istiraatijiyadeed.

Intii kulanka lagu guda-jiray ayuu Wasiirku faray in la magacaabo guddi ka kooban afar agaasime waaxeed oo soo dejiya qorshe howleed iyo xeer-hoosaad cusub si kor loogu qaado hufnaanta shaqada iyo hubinta xog-dhowridda oo la jaan-qaadaysa howlaha waaxyaha iyo hiigsiga istaraatiijiyadeed ee Wasaaradda.

