Muqdisho (MFA Somalia)– Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, Wasiiru dowlaha Xildhibaan Cali Maxamed Cumar, Wasiir kuxigeenka Xildhibaan Isaaq Maxamuud Mursal , Xoghayaha joogtada, Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirrada, Qunsulada guud, Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, waxa ay tacsi u dirayaan ehellada, asxaabta iyo ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allah u naxariistee Cabdiraxmaan Maxamed Hiraabe oo ahaa Lataliyaha Koowaad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Jabuuti oo maanta oo Talaado ah , 6 bisha August, ku geeriyooday Magaalada Gävle ee dalka Sweden, halkaasi oo qoyskiisu degganyihiin oo uu ku xanuunsanayay muddooyinkii dambe.

Marxuum Abdirahman Mohamed Hirabe ayaa muddo 43 sano u adeegayay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Marxuum Cabdiraxmaan Hiraabe ayaa intii u dhexeysay 1978-1980 loo tababbaray macallinimo, isaga oo ka qalin-jebiyay Machadka Tababbarka Macallimiinta.
Intii u dhexeysay sanadihii 1981-1984 waxa uu bare ka ahaa Dugsiga Hoose/Dhexe ee Kowda Maajo ee Muqdisho.
Intii u dhexeysay 1984-1990 waxa uu ahaa Maamule kuxigeenka Dugsiga sare ee K.P.P ee Muqdisho.
Sanadkii 2003 ayaa loo magacaabay Qunsulka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jabuuti, illaa uu uga dallacay darajada Lataliye koowaad, isaga oo muddo sanado ah ahaa Siihayaha Safaaradda.
Waxa uu koorso socotay muddo sanad ah 2012-2013 oo ku saabsanayd Qorsheynta istiraatiijiyadeed ku qaatay Machadka Nabadda iyo Daraasadaha Amniga ee Jaamacadda Addis Ababa.
Waxa uu koorso socotay muddo bil ah (March 2013) oo ku saabsanayd diblomaasiyadda ku qaatay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee South Africa, isaga oo ka mid ahaa 21 diblomaasi oo Soomaali ah oo loo tababbaray hab maamulka ergooyinka dibadda.
Marxuumka oo ku hadli jiray afafka Ingiriiska , Faransiiska, Carabiga iyo afkiisa hooyo ayaa ahaa diblomaasi sare oo dalkiisa iyo dadkiisa si hufan oo daacadnimo leh ugu adeeggay.
Marxuum Cabdiraxmaan Maxamed Hiraabe oo da’diisu xilligan ahayd 66 sano-jir, kuna dhashay degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir 21 December, 1958 ayaa ahaa nin dowladeed oo ku suntan wax weliba oo wanaag ah.
Haddaba, annagoo ka murugeysan , kana tiiraanyeysan geerida marxuumka , ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto, qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo, hoygiisana ka dhigo Jannada sare ee Alfardows , qoyskiisa , ehelladiisa iyo asxaabtiisana samir iyo iimaan ka siiyo, Aamiin.
INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

