Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga Ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo sheegay inay ka go’antahay adkaynta midnimada qaran ee dalka

Muqdisho (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Arbaco ah xog-waran ka siiyay Agaasimayaasha waaxyaha iyo lataliyeyaasha sare ee Wasaaradda wadahadalladii Ankara ee dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya ee ay dhex-dhexaadinaysay Dowladda Turkiga oo labo wareeg oo qabsoomay aan wax natiijo miro-dhal ah aan ka soo bixin.


Intii xog-waranka lagu guda-jiray, Wasiirku waxa uu caddeeyay in Soomaaliya ay wadahadalka u gashay si niyadsami leh, taasi oo saldhig u ahayd xiriirka sokeeye ee walaalnimo ee kala dhexeeya Turkiga, ayna aqbaleen casuumaadda wadahadalka iyadoo loo cuskanayo xiriirkaasi, isaga oo uga mahadceliyay Madaxweynaha Turkiga, Mudane Recep Tayyip Erdoğan, iyo Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda, Mudane Hakan Fidan, dadaalkooda muuqda ee xoojinta nabadda iyo amniga gobolka.


Wasiirku waxa uu caddeeyay in Soomaaliya marna aqbali doonin in wax loo dhimo midnimadeeda iyo qarannimadeeda, si la mid ah ay is-hortaagi doonto damac weliba oo leh ujeeddo is-ballaarin ah. Waxa uu si cad u sheegay in Soomaaliya ay aqbali karto oo qura nafci wadaag ay la yeelato Itoobiya oo saldhig u ah ganacsi , ma ahan in loo oggolaanayo in ay gaaraan, kuna galaan badda si ku dhisan dano milatari ama u madax-bannaanaansho maamul ama oggolaansho halbeeggiisu yahay joogitaan dheer ama mid kooban intaba, waxa uu adkeeyay in is-fahan weliba oo lala gaaro Itoobiya uu noqon doono mid ku suntan qawaaniinta iyo cahdiyada caalamiga oo ay ku jirto Heshiiska Qaramada Midoobay ee Qaanuunka Badaha (UNCLOS).


Wasiirku waxa uu soo hadal-qaaday dhaq-dhaqaaqa Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, oo uu ku sheegay mid uu ku doonayo inuu dab ku holciyo geeska Afrika si uu uga duwo dadka xaaladaha ka taagan gudaha dalkiisa ee ragaadiyay nidaamkiisa. Wasiirku waxa uu ka digay in hab-dhaqanka noocaasi uu keeni doono in rabshado iyo deganaansho li’i ay ku baahdo gobolka.


Kulanka ayaa lagu soo gabagabeeyay doodo iyo aragtiyo istiraatiijiyadeed oo wax ku ool ah oo ay soo gudbiyeen agaasimayaasha iyo lataliyeyaasha sare oo lagu adkaynayo dhowridda midnimada dalka iyo qarannimadiisa, loogana hortagayo fal weliba oo Itoobiya laga filan karo oo dhul ballaarsi ah.