Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga Ah

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Macalin Fiqi, ayaa Ku soo dhaweeyay

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Macalin Fiqi, ayaa Ku soo dhaweeyay Garoonka Caalamiga ee Aadan Cadde, Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Xog-hayaha fulinta Urur Goboleedka IGAD Dr Workneh Gebeyehu, wafdiga ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona Madaxda sare Dalka.

Ujeedka safarka ee Dr. Workneh Gebeyahu Xog-hayaha Urur Goboleedka IGAD, ayaa waxa uu daarran yahay xoojinta labada dhimac, Amaanka Gobolka, iyo isbedalka Cimillada.