Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga Ah

Wasiirka Arrimaha Dibedda oo Qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya

Muqdisho (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Arbaco ah xafiiskiisa ku qaabilay Danjire Mike Nithavrianakis, Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ay weheliso Mrs. Alison Blackbourne, oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Badda Cas iyo Geeska Afrika.


Intii uu socday kulanka, waxaa looga hadlay xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa.
Kulanka waxaa ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Bulshada Bariga Afrika iyo Agaasimaha Waaxda Afrika.