Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga Ah

Wasiir Arrimaha Dibadda, Danjire Ahmed Moalim Fiqi, ayaa maanta kulan la yeeshay Guddoomiyaha Jaaliyadda

Muqdisho (MFA Somalia) – Wasiir Arrimaha Dibadda, Danjire Ahmed Moalim Fiqi, ayaa maanta kulan la yeeshay Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaliyeed ee dalka Holland iyo wafdigiisa.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga udhaxeeya Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Holland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Jaaliyadda Soomaaliyeed waxay muujisay diyaar garow buuxa oo ku aaddan difaaca badda Soomaaliya iyo ladagaalanka argagixisada iyo wadajirka dalka.

Waxay gacan ka geysan doona horumarinta xiriirka labada dhinac iyo taageerada qaranimada Soomaaliya.