Danjire Axmed Fiqi, Wasiirka Arrimaha Dibadda, ayaa la kulmay Madaxa xafiiska fulinta ee Qaramada Midoobay u qaabilsan la-dagaalanka argagixisada, si loo xoojiyo ka hortagga argagixisada iyo xagjirnimada.

Isagoo sheegay horumarka ay Somaaliya ka gaartay La dagaalanka argagixisada, Xafiiska Fulinta ee Qaramada Midoobay ee La-dagaalanka Argagaxisada ayaa ballan qaaday in uu Soomaliya siin doono taageero dheeraad ah.

