Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa kula kulmay safiirka Sweden ee Soomaaliya, Joachim Waern, xarunta Wasaaradda.
Waxay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga labada dal ee dhanka amniga, xuquuqda aadanaha, iyo taageerada Sweden ee madaxbannaanida Soomaaliya.

Danjire Fiqi wuxuu xusay guulaha wadahadalada saddex geesoodka ah ee Asmara, gaar ahaan horumarinta awoodda ciidanka Soomaaliya. Safiirka Sweden ayaa bogaadiyay doorka cusub ee Soomaaliya ee Golaha Ammaanka iyo dadaalka diblomaasiyadeed ee Wasiir Fiqi, isagoo sidoo kale amaanay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Sweden.
Danjire Fiqi wuxuu xaqiijiyay sida Soomaaliya uga go’an tahay in ay si wax ku ool ah uga qayb qaadato Golaha Ammaanka, gaar ahaan arrimaha isbeddelka cimilada, xasilloonida gobolka, iyo xuquuqda aadanaha.

