Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga Ah

Wasiiru Dowlaha, Wasiir Ku-xigeenka, Xoghayaha Joogtada ah, Agaasimayaasha, iyo dhammaan Hawlwadeenadda Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Mogadishu (MFA) – Wasiiru Dowlaha, Wasiir Ku-xigeenka, Xoghayaha Joogtada ah, Agaasimayaasha, iyo dhammaan Hawlwadeenadda Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa Mudane Wasiir Ahmed Moallim Fiqi Wasiirka Arrimaha Dibadda, iyo qoyskiisa oo ay ka geeriyooday hooyo Faadumo Shirdoon Ducaale, oo ku geeriyootay magaalada Muqdisho subaxnimadii saaka, 19ka Oktoobar 2024.

Xilligan murugada weyn leh, waxaanu taaganahay garabka Wasiirka iyo qoyskiisa, annagoo u ducaynayna in Eebbe awoodiisa ugu naxariisto, cafisna siiyo, isla markaana hoy sharaf leh uga dhigo Jannada, qoyskiisana uu siiyo sabir iyo iimaan.
Allaha u naxariisto, Jannadii Fardowsana haka waraabiyo,

إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعونَ
Dhab ahaan, anaga Ilaah baan ka nimid, xaggiisaana ku noqon doonaa.