WAR-SAXAAFADEED.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo Qaabilay Safiirka Denmark.
Mogadishu, 20th of November 2024 – Danjire, Mudane Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, ayaa Xarunta Wasaaradda kula kulmay Mudane Steen Sonne Andersen, Safiirka Denmark u fadhiya dalka.
Wadahadalkooda ayaa diiradda lagu saaray sidii loo caddeyn lahaa hadalkii ka soo yeeray Safiirka xilli uu ku sugnaa magaalada Hargeysa. Hadalkaas oo ka hor imananyay midnimadda iyo wadajirka dalka.
Danjire Andersen waxa uu xaqiijiyey in Denmark ay ixtiraamayso midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, waxaanu hoosta ka xariiqay in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Danmark iyo Soomaaliya waa saaxiibo taariikhi ah, oo si wadajir ah uga wada shaqeeya arrimo badan oo ay ka mid yihiin hannaanka dowlad-dhiska, wax ka qabashada isbeddelka cimilada, barnaamijyada xasilinta, iyo horumarinta nabadda iyo amniga.


