Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga Ah

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa Uga Tacsiyeeneysa Dhammaan Umadda Soomaaliyeed Geerida Ku Timid Danjire Mohamed Ahmed Alin

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa dhammaan umadda Soomaaliyeed kaddib geeridii ku timid Danjire Mohamed Ahmed Alin.

Danjire Alin ayaa maanta ku geeriyooday Dalka U.K. Wuxuu noloshiisa u huray inuu Soomaaliya ugu adeego si hagar la’aan ah, isaga oo xilal kala duwan oo Safiirnimo soo qabtay.

Wasaaraddu waxay u diraysaa tacsi diiran qoyska, saaxiibbada, iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed xilligan murugada leh. Danjiruhu wuxuu ahaa waddani daacad ah oo u taagnaa u adeeggidda Umadda Soomaaliyeed, Waxaan Alle uga baryeynaa inuu Jannatul Firdows ka waraabiyo, samir iyo iimaan ka siiyo ehelkiisa iyo asxaabtiisa.

Inna Lillahi wa Inna Ilayhi Raji’un.