Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga , ayaa Kulan wadatashi ah la yeelatay Qaar kamid ah Daneeyayaasha Caalamiga ah ee Qorshaha Isbadalka Qaran ee Soomaaliya.
Xogahaya Joogtada ee Wasaaradda Mudane Xamse Xaadow ayaa ka warbixiyay aragtida Wasaaradda ee ku aaddan istiraatijiyadda horumarinta iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya, si loo xoojiyo diblomaasiyadda iyo iskaashiga Caalamiga.
Xoghayaha Joogtada Mudane Xamse ayaa waxa uu sidoo kale faahfaahiyay doorka muhiimka ah ee ay Wasaaraddu ku leedahay horumarinta ajendaha isbeddelka Qaran ee Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay sida ay Wasaaraddu uga go’an tahay dhisidda iskaashi diblomaasiyadeed oo istiraatiiji ah.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray Iswaafajinta istiraatijiyadda Diblomaasiyadeed iyo Tiirka Siyaasadda Loo Dhanyahay ee NTP, kulanka ayaa waxaa isugu yimid dhinacyo Muhiim ah oo ay ku jiraan wakiilo ka socda hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta ee UNDP, safaaradda Turkiga iyo safaaradda Talyaaniga, Kaqeybgalayaasha Kulanka ayaa hoosta ka xariiqay taageerada xooggan ee caalamiga ah ee rabitaanka Soomaaliya, taasoo u gogol xaareysa wadashaqeyn joogta ah ee mustaqbalka fog ah.


