Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Mudane Salah Ahmed Jama ayaa booqday Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda, halkaas oo uu ku amaanay shaqaalaha Wasaaradda soo bandhigida warbixin faahfaahsan oo ku saabsan guulaha diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo dadaallada lagu xoojinayo sumcadda dalka ee caalamka. Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenku wuxuu bogaadiyay kaalinta muhiimka ah ee Wasaaradda ay ku leedahay horumarinta siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo dadaallada ay ku dooneyso in lagu xoojiyo iskaashiga gobolka iyo caalamka.
Intii uu booqashada ku jiray, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa soo bandhigay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan taariikhda iyo dib-u-habaynta Wasaaradda. Wasiirku wuxuu tilmaamay guulaha muhiimka ah, oo ay ka mid yihiin:
– Soo nooleynta Machadka Diblomaasiyadda si loo dhiso awoodda diblomaasiyadeed ee Soomaaliya.
– Dib-u-habaynta waaxyaha si loo hagaajiyo waxqabadka loona waafajiyo mudnaanta qaranka.
– Dadaallada lagu xoojinayo doorka Soomaaliya ee Bulshada Bariga Afrika (EAC), oo ay ku jiraan qorshaha helitaanka Baasaboor Bulshada Bariga Afrika, si loo fududeeyo isku socodka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee gobolka.
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenku wuxuu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay Wasaaradda Arrimaha Dibaddu ku leedahay dib-u-dhiska dowladnimada Soomaaliya, isagoo ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay isku-filnaanta iyo horumarinta waara. Hadalladiisa waxay muujinayeen sida ay dowladdu uga go’an tahay in la abuuro aasaas dhaqaale oo xooggan iyadoo la adeegsanayo diblomaasiyad iyo maamul hufan.
Sidoo kale, booqashada waxaa ka qaybgalay Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Hersi Jama Ghani, iyo Agaasimaha Guud ee Bulshada Bariga Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Maxamed Fatir. Waxaa sidoo kale joogay agaasimeyaasha waaxyaha Wasaaradda iyo agaasimeyaasha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Ka-qaybgalka masuuliyiintan ayaa muujinayay dadaalka wadajirka ah ee hay’adaha dowladda si loo hormariyo yoolalka diblomaasiyadeed iyo isku-dhafka gobolka ee Soomaaliya.





















