Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga Ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kala hadlay Kusimaha Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay xoojinta iskaashiga iyo wadashaqaynta

Muqdisho (diplomat.so) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Sabti ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Kusimaha Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, James Swan, isaga oo kala hadlay xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey si gaar ah sare-u-qaadidda xasilloonida, dowladnimada, iyo dadaallada horumarineed.

Kulanka ayaa lagu fallanqeeyay kaalinta muhiimka ah ee taageerrada caalamiga ee joogtada ah ay ka qaadanayso adkaynta dowladnimada qaran, kor-u-qaadidda awood dhisidda hay’adaha, dhworidda xasilloonida, iyo dardargelinta hindisayaasha horumarineed.