Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga Ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Turkiga Istiraatiijiyado iskaashi aad u qoto dheer oo labada dal ay yeeshaan

Muqdisho (MFA Somalia)–Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Ahmed Moallim Fiqi, ayaa maanta oo Axad ah, ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga, Alper Aktaş, isaga oo kala hadlay siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, horena loogu dhaqaajin karo dano wadaagga.


Kulanka ayaa lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay kor-u-qaadidda dhinacyada muhiimka ah ee wax wadaagga iyo qotodheereynta iskaashiga si loo sare-mariyo kobaca dhaqaale, iyadoo la xusay baahida loo qabo iskaashi istiraatiijiyadeed oo cusub oo soo banbixiya fursadaha, iyada oo dib loo xaqiijinayo ka go’naanshaha labada dhinac ee horumar is weydaarsiga.