Nairobi (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Ahmed Moallim Fiqi oo muddo kooban ku soo hakaday Garoonka Diyaaradaha ee Jomo Kenyatta ayaa kulan xog-wareysi ah la qaatay Madaxweyne ku xigeenka Dalka Kenya, Mudane Kithure Kindiki . Kindiki ayaa hogaaminayay wafdiga Kenyan ah oo tagayay Maputo, Mozambique, si ay uga qeyb galaan caleema saarka madaxweynaha la doortay ee dalkaas Daniel Francisco Chapo.
Kulankan ayaa lagu muujiyay aragtiyaha ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ee ku aaddan sii xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo horumarinta iskaashiga gobolka. Waxaa sidoo kale laga wada hadlay arrimo khuseeya labada dal, oo ay ka mid yihiin xoojinta amniga gobolka, kobcinta isdhexgalka dhaqaalaha, iyo wax ka qabashada caqabadaha wadajirka ah ee Geeska Afrika.
Labada masuul ayaa ku ballamay sii xoojinta iskaashiga labada dhinac, iyaga oo hoosta ka xariiqay aragtida ay wadaaggaan ee sal-dhigga u ah xasilloonida, horumarka, iyo barwaaqada labada shacab ee Walaalaha ah, iyo gobolka.

