Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga Ah

Soomaaliya iyo Slovenia oo iskaashanaya hindisayaasha dib-u-dhiska iyo horumarinta

New York (MFA Somlia) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta kula kulmay New York, Tanja Fajon, Ra’iisul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Yurub ee Jamhuuriyadda Slovenia, isaga oo kala hadlay sare-u-qaadidda xiriirka labo geesoodka iyo ballaarinta dhinacyada iskaashiga iyo wax wadaagga.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasad iyo amni, si gaar ah howlgalka lagu baacsanayo, laguna ciribtirayo kooxaha argagaxisada ee ka socda gobolka Waqooyi Bari ee dalka iyo qeybo ka mid ah gobollada koonfureed, si la mid ah dadaallada lagu bixinayo fulinta hindasayaasha lagu horumarinayo goobaha la xorreeyay sida dayactirka iyo dhismaha kaabayaasha muhiimka ah oo ay ka mid yihiiin iskuullada, isbitaallada iyo saldhigyada booliiska, kuwaas oo muhiim u ah soo kabashada iyo xasilloonida.