Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga Ah

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo bogaadiyay Guddoomiye kuxigeenka Bankiga IBS

Muqdisho (MFA Somalia)– Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Xamsa Aadan Xaadow, ayaa ku bogaadiyay Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga sare ee Bankiga IBS, Mudane Cabdirisaaq Cali Warsame, kaalintiisa muuqata ee u adeegidda bulshada, dadaalkiisa wax ku oolka ah, hoggaamintiisa sarraysa iyo wadashaqaynta dhow ee uu la leeyahay Wasaaradda, iyada oo loo aqoonsaday shakhsiga sanadka 2024.

Bankiga IBS ayaa hore u taabageliyay barnaamijyo ay abaabulkeeda lahayd Waaxda Qurbajoogta iyo Jaaliyadaha ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, laguna dhiirrigelinayay qurbajoogta si ay u maalgeshtaan dalka, ugana qeyb-qaataan dib u dhiskiisa iyo horumarkiisa.