Muqdisho (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Ahmed Moallim Fiqi, ayaa maanta oo Talaado ah sagootiyay Safiirka Indonesia oo muddo xileedkiisa shaqo ee loo igmaday uu ka dhammaaday, isaga oo bogaadiyay dadaalkiisa xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Safiirka kaalintiisa xoojinta xiriirka labo geesoodka, isaga oo guul u rajeeyay hiigsigiisa mustaqbaleed, carabaabayna rajadiisa in kobac hor leh uu sameeyo xiriirka labada dal .

