Muqdisho (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Ahmed Moallim Fiqi, ayaa maanta oo Arbaco ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), Md. Maxamuud Macallin Cabdulle, isaga oo kala hadlay abaaraha taagan iyo xaaladaha bini’aadantinimo ee daran ee ku xeeran.

Kulanka ayaa lagu falanqeeyay wadashaqaynta Wasaaradda iyo hay’adda, iyada oo la xusay muhiimadda ay leedahay in la isku duwo taageero caalami ah iyo isku duubni gudaha ah si wax looga qabto caqabadaha isa soo taraya ee ay wajahayaan bulshada ay abaaruhu saameeyeen.

