Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga Ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Shiinaha siyaabaha iskaashiga lagu xoojin karo

Muqdisho (MFA Somalia) –Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Ahmed Moallim Fiqi, ayaa maanta oo Isniin ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda, Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, Wang Yu, isaga oo kala hadlay xoojinta xiriirka labo dhinaclaha iyo qoto-dheereynta iskaashiga labada dal ee saaxiibada ah.

Dhowr arrimood oo muhiim ah ayaa la iskula soo hadal-qaaday intii uu kulanka socday, si gaar ah horumarinta iyo sare yeelidda wax wadaagga labada dal ee dhinacyada dano is-dhaafsiga leh oo ay ku jirto dhaqaalaha, diblomaasiyadda iyo dhaqanka si loo gaaro iskaashi sal-ballaaran iyo kobac wadaag loo dhanyahay.