Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga Ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kala hadlay Safiirka Suudaan xoojinta xiriirka labo geesoodka

Mogadishu (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Ahmed Moallim Fiqi, ayaa maanta oo Axad ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Safiirka Jamhuuriyadda Suudaan u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Abdulrahman Khalil Ahmed Abakr Afandi, isaga oo kala hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya labada dal iyo soo banbixinta fursadaha cusub ee iskaashi ee dhinacyada kala duwan leh.


Kulanka intii lagu guda-jiray ayaa waxaa la isku dhaafsaday aragti ku salaysan horumarrada gobolka, si gaar ah xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Suudaan.


Wasiirka ayaa xusay in Soomaaliya ay garab taagantahay Dowladda iyo Dadka Suudaan, isaga oo markale ku celiyay taageeriddiisa dadaallada dib loogu soo celinayo deganaanshaha, laguna xoojinayo midnimada qaran, waxa uu carabaabay rajada uu ka qabo Suudaan oo nabad ah oo midaysan, isaga oo tilmaamay baahida loo qabo in iskuduwid wadaag ah ay yeeshaan labada dal ee walaalaha ah si looga gudbo caqabadaha heer gobol, loona xoojiyo xasilloonida.


Wasiir Axmed Fiqi ayaa markale ku celiyay ka go’naanshaha Soomaaliya ee dhowridda qarannimada Suudaan iyo inaan la faragelin arrimihiisa gudaha, isaga oo ku gacanseyray baaqyada iyo iskudayada lagu doonayo in lagu dhiso dowlad dhinac-yaal la ah tan rasmiga ah.