Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga Ah

Golaha Wasiirrada oo ansixiyeen heshiiska lagu dhisay IGAD

Muqdisho (MFA Somalia) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa maanta oo Khamiis ah, 6 bisha Maarso, ayay ku ansixiyeen heshiiska lagu dhisay Urur goboleedka IGAD, kaas oo xoojinaya iskaashiga gobolka iyo kaalinta Soomaaliya ee arrimaha diblomaasiyadda iyo horumarka wadajirka ah.


Shirkaasi ayaa waxaa Wasaaradda uga qeybgalay Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Xildhibaan Isaaq Maxamuud Mursal.