Muqdisho (MFA Somalia)– Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa fiidnimadii caawa xaflad af-fur Ramadaani ah kaga qeybgalay Muqdisho oo uu ku casuumay Safiirka Turkiga, Alper Aktaş. Munasaabadda ayaa waxaa kale oo lagu casuumay, kana soo qeybgalay danjirayaasha iyo wakiillada laga aqoonsanyahay dalka.
Munaasabadda af-furka, hadal uu ka jeediyay Wasiir Fiqi ayuu kaga hadlay xiriirka xooggan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, isaga oo bogaadiyay dadaalka Safaaradda Turkiga iyo Danjire Aktaş.
Wasiirku waxa uu ka hadlay qiyamka bisha barakaysan ee Ramadaan ay huwantahay sida dulqaadka, deeqsinimada iyo midnimada. Waxa uu xusay dadaallada socda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay hormuud ka tahay sida isbeddelka dowladnimada, hannaanka doorashada “hal qof, hal cod” iyo howlgallada amni ee lagu baacsanayo argagaxisada.
Wasiirka ayaa xusay in kobaca dhaqaale, dowlad wanaagga, iyo is-raaca bulshada ay lagama maarmaan u yihiin nabadda iyo barwaaqada Soomaaliya. Waxa uu hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyay xiriirka salka adag ee Soomaaliya kala dhexeeya beesha caalamka uu halbowle u yahay hiigsiga horumar ee dalka.
Wasiir Fiqi ayaa u rajeeyay soon wanaagsan dhammaan ka qeybgalayaasha xafladda, isaga oo ku baaqay in la isku naxariisto, la xoojiyo midnimada iyo mustaqbal uu hareeyo deganaansho iyo barwaaqo-soorran.

