Muqdisho (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa wadahadal teleefoonka ah maanta oo Talaado ah la yeeshay dhiggiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Serbiya, Marko Djuric. Wadahadalka ayaa diiradda lagu saarray xoojinta xiriirka u dhexeeya labada dal iyo sare u qaadidda iskaashiga labo geesoodka oo dhinac weliba leh.
Labada Wasiir ayaa isla qaadaa-dhigay siyaabaha lagu xoojin karo isku-duwidda wadaagga ah ee dhinacyada dano-wadaagga, iyaga oo adkeeyay muhiimadda xoojinta iskaashi dhow oo nacfi wadaag u leh labada dal iyo labada dad.

