Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga Ah

Soomaaliya oo ka soo daadguraysay 145 qof oo muwadiniinteeda ah dalka Liibiya

Muqdisho (MFA Somalia) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa ku guulaysatay inay ka soo daadgurayso 145 ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed dalka Liibiya, kadib markii caqabado kala duwan ay wajaheen, ayna iskood u doorteen in dib-u-celin lagu sameeyo, tani oo ka qayb ah ballanqaadka dowladda ee ilaalinta muwaadiniinteeda ku sugan dibadda iyo wax ka qabashada xaaladahooda.
Dadka dib dalka loogu soo celiyay ayaa markii ay soo caga-dhigteen Gegidda Diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cabdulle, waxaa halkaasi ku soo dhoweeyay Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Isaaq Maxamuud Mursal oo sheegay in dowladdu ay ka go’antahay caawinta muwaadiniinteeda ee culaysyada ku wajahaya dibadda.
Wasiir kuxigeenka Isaaq Mursal waxa uu xusay dadaalka Wasaaradda ay ku kaashanayso bah-wadaagta caalamiga si dib dalka loogu soo celiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee nugul ee xaalado adag dibadda kala kulmay, isaga oo tilmaamay in dowladda ay ku adagtahay gudashada waajibkeeda ee ilaalinta iyo taageeridda dadkeeda si gaar ah kuwa ku nool goobaha colaadaha ee wajahay xaalado dhibaato.