Muqdisho (MFA Somalia) – Waaxda Xusuus-dhowrka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, oo kaashanaysa Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda, ayaa aqoon-is-weydaarsi hal cisho ah oo ku saabsan hab-maamulka arkiifiyada ugu qabatay xarunta Machadka howlwadeennada kala duwan ee Waaxda.
Aqoon-is-weydaarsigani ayaa waxaa casharro ka jeediyay Nasrullaahi Maxamed Jaamac, oo soo bandhigay aragtiyo ku salaysan casriyaynta xusuus-dhowrka, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta dukumintiyada rasmiga ah iyo dhowridda xusuusta Wasaaradda.
Agaasimaha Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda, Mudane Maxamed Maxamuud Guure, ayaa furitaanka tababbarka ka sheegay in hab-maaraynta waxtarka leh ee arkiifiyada ay wanaajinayso cilmi-baarista, joogtaynaysana habka iyo hannaanka shaqada hey’adda qaran, gacanna ka geysanayo wax-baridda diblomaasiyiinta mustaqbalka.
Waxa uu carabaabay kaalinta arkiifiyadu ku leedahay sooyaalka qaranka iyo sare-u-qaadidda howlaha go’aan gaarista.
Dr. Axmed Cusmaan Dhoore , Agaasimaha Waaxda Arkiifiyada ee Wasaaradda ayaa ka hadlay faaidada howleed ee aqoon-is-weydaarsigani uu leeyahay, isaga oo tilmaamay in ay hore u dhaqaajinayso geedi-socodka lagu casriyaynayo arkiifiyada, laguna dhowrayo sirta qaranka.

