Muqdisho (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Ahmed Moallim Fiqi, ayaa maanta oo Arbaco ah daahfuray Wargeyska «Diblomaasi» oo ah Wargeyskii ugu horreeyay ee Wasaaraddu soo saarto tan iyo markii Soomaaliya ay gobonnimada qaadatay sanadkii 1960. Wargeyska ayaa soo bandhigaya soo kabashada dalka , kobiciisa dhaqan, dhaqaale , bulsho iyo siyaasad.

Daahfurka Wargayska ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Senator, Jeneraal Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) , Xoghayaha Joogtada Wasaaradda, Mudane Xamsa Aadan Xaadow, Agaasimayaasha waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda iyo mas’uuliyiin matalayay qaar ka mid ah bankiyada dalka.

Wasiir Axmed Fiqi ayaa sheegay in dadaal weyn ay Wasaaraddu ku bixisay soo saaridda wargeyska oo noqon doona bille, aragti iyo aqoona ay dadka akhrista ka kororsan doonaan, isaga oo ku booriyay diblomaasiyiinta iyo aqoonyahannada maskaxdooda shiila ay ku soo bandhigaan fikradahooda waxgalka ah , si la mid ah shirkadaha iyo bankiyada dalka si loo iibgeeyo waxsoosaarka, loona helo maalgeshi dibadeed.

