Muqdisho (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa hadal ka jeediyay munaasabadda uu xilka kula wareegay maanta oo ah Sabti oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho.
Wasiirka ayaa carabaabay inuu xoojinayo xiriirka dibadda ee Soomaaliya iyo iskaashiga ay la leedahay dowladaha iyo ururrada, siyaasaddiisuna ay noqon doonto mid ku dhisan dhex-dhexaadnimo, sarena u qaadi doono maqaamka dalka ee heer gobol iyo heer caalami si la jaanqaadaysa waxyaabaha mudnaanta u leh siyaasadda dibadda si loo gaaro barwaaqo-soorran.
Wasiir Cabdisalaan ayaa muujiyay rajadiisa in Soomaaliya ay ka guulaysan doonto argagaxisada, ayna gaarsiin doonto jab aanay ka soo kaban doonin, kana takhalusi doonto ugu dambayntii.

