Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga Ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kormeerray qaar ka mid ah Waaxyaha Wasaaradda

Muqdisho (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta kormeerray qaar ka mid ah waaxyaha Wasaaradda, isaga oo u kuurgalay habsami-u-socodka shaqada.
Wasiirka ayaa ku dhiirrigeliyay howlwadeennada in ay dardargeliyaan shaqada, sarena u qaadaana adeegyada Wasaaraddu bixiso, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay korjoogtaynta iyo hufnaanta.
Wasiir Cabdisalaan ayaa tilmaamay in ay ka go’antahay in Wasaaraddiisu gaarayso maqaam ka sarreeya heerka ay joogto si matalaadda iyo magaca qaranka uu sare u muuqdo.