Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga Ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Yemen oo booqasho sharafeed ugu yimid

Muqdisho (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Arbaco ah xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Yemen u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Fadl Ali Ahmed Al-Hanak, oo booqasho sharafeed ugu yimid, isaga oo kala hadlay siyaabaha lagu qoto-dheerayn karo xiriirka labo geesoodka ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.
Soomaaliya iyo Yemen ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir soo jireen ah oo taariikhi ah oo ku suntan dhinacyada dhaqanka iyo bulshada, oo saldhig adag u ah kor-u-qaadidda iskaashiga laba geesoodka iyo xoojinta dano wadaagga.